U bood dhigaalka

Waxgaradka Buulomareer: AMISOM Hadii Aan Nalaga Qaban Gacanta Ayaan Ula Tageynaa

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan Deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in hadii dowladda Federaalka Soomaaliya iyo beesha caalamka aanay degdeg wax uga qaban dhibaatooyin ay sheegeen in ciidanka AMISOM ka geysteen degmadaasi ay iyaguna gacanta ula tagi doonaan.

Suldaan Cabdiqaadir Ibraahim oo ka mid ah waxgaradkan ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uu sheegay in AMISOM ay siyaabo kala duwan degmadaasi ugu dishay dad shacab ah.

Wadarta guud ee dadka ciidanka AMISOM ku dileen degmada Buulomareer iyo nawaaxigeeda ayuu suldaanka ku sheegay 32 qof oo shacab ah una badan dad beeraley ah.

“Waxaan deggannahay degmada Buulomareer, nimanka la yiraahdo AMISOM dadkii wey laayeen, dhowr bilood kahor dad badan bay dileen, hadana maalin hore Afar qof oo waayeel ku jiro ayeey dileen kadibna indhaha ayeey ka saareen wixii maanta ka billawdo hadii aan weyno cid naga ceshato AMISOM in gacanteena aan isaga qaadno oo aan gacanta ula tagno ayaan diyaar u nahay” ayuu yiri Suldaanka.

Suldaan C/qaadir ayaa dhinaca kale sheegay in shacabka ku dhaqan degmada Buulomareer aanay aadi karin beeraha, ayna yihiin dad ku dhibban deegaankooda.

Askar ka tirsan ciidanka AMISOM ayaa 16-kii bishan waxay 4 qof oo shacab ah ku dileen deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabellaha Hoose, waxaana dadkaasi ku jiray haweeney 80 sano jir ah.

Goobjoog News