U bood dhigaalka

Waxgaradka Degmada Buuloburde Oo Ku Baaqay In La Furo Wadooyinka Gala Degmadaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada Buuloburde ee gobalka Hiiraan ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo furo wadooyinka gala degmadaasi oo muddi Sanad ka badan Al-shabaab ay xirteen.

Waxa ay sheegeen in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay ka jirto degmadaasi, islamarkaana dad badan ay hayso xaalad adag oo dhanka nolosha ah.

Nabadoon Xuseen Cabdi Mataan oo ah gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka ee degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in hadii aan lasoo gaarin dadkaasi go’doonsan in xaalad adag ay wajihi doonaan.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka ay ka gaabisay wax u qabashada dadkaasi, islamarkaana dadka ay u baahanyihiin caawinaad dhan walba ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda illaa hadda wax muuqda oo dadka ay u qabatay malahan, maxaa yeelay dadkii wey isku dul baaba’een, hadii aan gurmad degdeg ah lala soo gaarin dhibaatada intaan ayeey kasii badan kartaa, dadka waa macluul, cunto malahan, caafimaadna ma jiro degmada” ayuu yiri Nabadoonka.

Taliska ciidamada AMISOM ee gobalka Hiiraan ayaa horay u sheegay in kaalin ay ka qaadan doonaan sidii la’isugu furi lahaa degmada Buuloburde iyo deegaanada kale ee gobalka.

Goobjoog News