U bood dhigaalka

Waxgaradka Degmada B/xaawo Oo Sheegay In Dowladda Kenya Ay Baabi’ineyso Calaamadaha Xadka Labada Dal

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan degmada B/xaawo ee gobalka Gedo ayaa sheegay in dowladda Kenya ay baab’ineyso calaamadihii muujinayay xuduudda aan rasmiga ahayn ee Labada dal.

Nabadoon Idiris Aadan oo ku sugan degmadaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in ciidamo badan oo Kenya ay soo galeen dhanka degmada B/xaawo, islamarkaana ay duminayaan calaamadihii Talyaaniga iyo Ingiriisku sameeyay.

Darbiga ay dowladda Kenya dhisayso ayuu sheegay inay ka qodayaan dhanka degmada B/xaawo, waxaana uu ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo caalamka in degdeg ay wax uga qabtaan arrinkaasi.

“Hala soo gaaro degmada B/xaawo, ciidamada Kenya ayaa wato cagafyo badan, waxay fujinayaan astaamihii lagu garanayay xuduudda, waxay rabaan in ay isku aadistaan Raaskambooni illaa inta, cid walba waxaan leenahay nasoo gaara, waayo dhulkeenii baa la dhacayaa, baddii ayeey ahayd, hadana waxay keeneen walaalayaal in barigii ay soo galaan” ayuu yiri Nabdoon Idiris.

Dhinaca kale mar aynu wax ka weydiinay hadii ay xiriir la sameeyeen maamulka degmada Mandhera si arrinkaasi wax looga qabto ayuu sheegay nabadoon Idiris in aanu waxba ka qaban karin.

Dowladda Kenya ayaa horay u sheegatay lahaanshiyaha qeyb ka mid ah badda Soomaaliya, iyadoo haatanna ay billawday inay toos ugu soo xadgudubto deegaanada ku yaalla dhanka xuduudda.

Goobjoog News