U bood dhigaalka

Waxgaradka Gaalkacyo Oo Baaq u Diray Dowladda Federaalka Iyo Hay’adaha Samofalka Ah

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa xoojiyey baaqa ay u dirayaan shacabka Soomaaliyeed, dowladda dhexe iyo hay’adaha samofalka ah, kaasi oo ku aadan in gurmad raashiin ah iyo mid caafimaadba lala gaaro barakacayaasha ku sugan duleedka magaaladaasi.

Nabadoon Cali Diiriye oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka ay xaaladooda aad u liidato xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Waxa uu sheegay in dadkaan ay u badan yihiin kuwii ku xoolo beelay abaartii dalka ku dhufatay, wuxuuna ku baaqay in kaalmo ballaaran lala soo gaaro dadkan.

Nabadoonka ayaa dhanka kale sheegay in kaalmo aan badneyn ay gaarsiiyeen qoysaska kusoo barakacay deegaanka Xaarxaar ee duleedka Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay kaalmo badan si dadka ay si caafimaad iyo gaajo la’aan ugu dhammeystaan bisha Ramadan.

“Ramadaan ayaa lagu jiraa, dadka horey ayeey uga soo barakaceen abaarta dalka ka jirta, weli ma haystaan gurmad, maalin dhoweyn kaalmo aan badneyn ayaan u geynnay, laakiinse xaaladda dadkaan waa ay liidataa, waxaan ugu baaqayaa Galmudug, dowladda Federaalka iyo hay’adaha samofalka ah in dadkaan ay gurmad la gaaraan” ayuu yiri Nabadoon Cali Diiriye.

Barakacayaasha ku sugan guud ahaan gobollada dalka waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, waxaana lagu guda jiraa bisha barakeysan ee Ramadan.

Goobjoog News