U bood dhigaalka

Waxgaradka Gaalkacyo Oo Codsaday In Ciidanka La Kala Qaado

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Magaalada Gaalkacyo Oo Ku Baaqay In La Kala Qaado Ciidamada Galmudug Iyo Puntland Ee Isku Horfadhiya Duleedka Magaaladaasi

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa wada dadaallo nabadeed oo ay ku doonayaan inay kala dhex galaan ciidamada Galmudug iyo Puntland si loo joojiyo colaadda weli ka taagan dhanka galbeed ee magaaladaasi.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore ayaa u sheegay Goobjoog News in ka waxgarad ahaan aysan awood buuxda u lahayn in ciidanka la kala qaado balse laga arrinsanayo bal sida xaaladda lagu dejin karo iyadoo weli magaalada ay ka maqan yihiin dadkii deganaa oo colaadda awgood isaga barakacay.

“Xaaladda Gaalkacyo waa nabad balse ciidankii waa ishorfadhiyaan mana jiro wax dagaal ah magaaladii waa laga barakacay dadkii waa dhibaateysan yahay waxaana leeyahay dadka shacabka ha loo turo oo geedaha hoostooda maciin biday” ayuu yiri Nabadoon Cali Diiriye.

Dhanka kale wuxuu soo hadal qaaday in maamullada Galmudug iyo Puntland looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan nabadda oo hal qolo kaliya aysan dan u ahayn nabadda Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ayaa inkastoo ay deggan tahay xaaladeeda waxaa weli haddana jira in ciidamada labada dhinac ay isku horfadhiyaan taasoo keeneysa in mar walba uu dagaal ka qarxo dhanka galbeed ee Gaalkacyo.

Dadka shacabka ahaa ee ka barakacay colaadaha ayaa saameyn waxaa ku yeeshay degaannadii ay tageen oo ay ka jiraan abaaro xagga biyaha iyo raashinka ahi.

Goobjoog News