U bood dhigaalka

Waxgaradka Gaalkacyo Oo Galmudug Iyo Puntland Ugu Baaqay Inay Joojiyaan Dagaalka

Sheeko:Dalka

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo kamid ah waxgaradka gobolka Mudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay mar uu la hadlay Goobjoog News in uu ku baaqayo in la joojiyo dagaalka ka soo cusboonaaday galbeedka Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay nabadoonka in labada maamul ee deriska ah uu ugu baaqayo in ay qaataan nabadda oo dagaalka si degdeg ah loo joojiyo.

Nabadoon Cali Alloore ayaa sheegay in khasaare soo gaaray dadka shacabka ah uu jiro oo dagaalkani ka dhashay islamarkaana ay ka codsanayaan labada dhinac inay xabadda joojiyaan.

“Anigoo ku hadlaya magaca waxgaradka gobolka Mudug, Waxaan leenahay dagaal wiil kuma dhasho, dagaalka waa in la joojiyaa warhooy ka jooga xabad waad aragteen wax faa’iidaha ah in aysan lahayne” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhanka kale, nabadoon Cali Diiriye Alloore ayaa soo hadal qaaday waxa dhaliyay dagaalka Gaalkacyo.

Wuxuu sheegay in horey uu jirey khilaaf kaga dhexeeyay beelo ka tirsan Galmudug iyo beel degta galbeedka Gaalkacyo, wuxuuna sheegay in murankaasi dhulka la xallinayo balse aysan wanaagsanayn in dagaal loo abuuro.

Maamulka Puntland ayuu ku eedeeyay in mar walba uu been abuur warar ah u mariyo saxaafadda Galmudug kuwaasoo kicin kara colaado aan u wanaagsanayn degaanka.

Galmudug iyo Puntland ayuu ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan nabadda oo colaadda la joojiyo.

Goobjoog News