U bood dhigaalka

Waxgaradka Gaalkacyo Oo Gurmad u Dalbay Barakacayaasha Ku Sugan Magaaladaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa ka deyriyay nolosha qoysaska ku xoolo beelay abaaraha dalka ku dhuftay ee kunool magaaladaasi.

Nabadoon Cali Diiriye Alloore oo ka tirsan waxgaradka Gobolka Mudug kuna sugan magaalada Gaalkacyo, ayaa isagoo la hadlay Goobjoog News, wuxuu sheegay in kumanaan qoysas ah oo kusoo barakacay Gaalkacyo iyo hareeraheeda ay aad ula dhibaatoonayaan xaalado dhanka nolosha ah.

Waxaa uu sheegay in dhibaatooyinka ah cunno iyo biyo la’aanta ay u sii dheer tahay caafimaad darro.

“Dadkii ku xoolo beelay abaarta gobolka ku dhufatay ee ku sugan Gaalkacyo waxay u baahan yihiin gurmad dhan walbo leh, waxay doonayaan in laga saacido wax walbo oo nolosha ku aaddan haddii ay ahaan lahayd biyo, raashiin, xoolo iyo sidoo kale caafimaad” ayuu yiri Nabadoon Alloore.

Xannuuno ayaa ka dillaacay degaannada qaar kuwaasoo carruuri ugu dhimatay halka dadyow kalena la gaarsiiyay Isbitaalka dhexe ee magaalada Gaalkacyo.

Goobjoog News