U bood dhigaalka

Waxgaradka Galmudug Oo Kasoo Horjeestay Nidaamka Loo Qeybsaday Xubnaha Aqalka Sare

Sheeko:Dalka

Odoyaasha dhaqanka Galmudug oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Cadaado ayaa kasoo horjeestay qaabka loo qeybiyay xubnaha aqalka sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Odayaashan dhananka ayaa tilmaamay in xubnaha aqalka sarre aan lagu saleynin nidaamka 4.5 ee Soomaalidu ku heshiisay in wax lagu qeybsado ilaa doorasho xor ah laga gaarayo islamarkaana uu jiro sadbursi maamullada qaar taasina ay keeni karto in bulshada Soomaaliyeed ay ku kala fogadaan.

Ugaas Cabdullaahi Ugaas Faarax, Suldaan Maxamed Sheekh Maxamed, Garraad Aadan Cilmi iyo Imaam Cumar Macallin Abshir ayaa magaalada Cadaado si isku mid ah uga sheegay in ay cadaaladda ka fog tahay qaabka loo soo dhisayo aqalka sarre ee dowladda dhexe.

“Golaha sare waa inuusan noqon mid kala fura Soomaali diinteedii, dhaqankeedii iyo wax isla qabsigeedii marka sheekada hadda socoto waxay tilmaamaysaa kala fur umadda Soomaaliyeed ah, Soomaaliya waxaa loo qeybiyay beelo 4.5 ayaa rabnaa in aqalka sare lagu qeybiyo” ayay yiraahdeen odayaashaan.

Dhanka kale, waxay sheegeen in aysan marnaba suurtagalin Karin in magaalada Muqdisho oo ah caasimaddii dalka hooyo in laga qadiyo dhismaha aqalkaasi.

Ugu dambeyn, madaxda sare ee maamulka Galmudug ayaa sidaan oo kale horay u sheegay in aysan aqbali doonin labo xubin oo maamulka Puntland loogu kordhiyay aqalkaasi sare.

Goobjoog News