U bood dhigaalka

Waxgaradka Garbahaarey Oo Ballan Qaaday Xalinta Waxa Ay Kala Tabanayaan Shacabka Jubbaland

Sheeko:Dalka

Guddoomiyaha golaha Guurtida magaalada Garbahaarey Nabadoon Buraale Jaamac Deer ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin xalinta waxyaabaha ay isku khilaafsan yihiin shacabka Jubbaland iyo siyaasiyiintooda.

Nabadoonka oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in guurtida magaalada isku diyaariyeen qabashada shirweyne loo qabanayo dadka deggan goballada Jubbooyinka iyo Gedo.

Wuxuu tilmaamay in aysan raacsaneen doorashadii ka dhacday magaalada Kismaayo, ee uu ku soo baxay Axmed Maxamed Islaam Madoobe, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid aan loo dhamayn.

“Garbahaarey waxaan ku qabaneynaa shir nabadeed, waxaan rabnaa inaan isugu yeerno dadka wada deggan gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, sidoo kale waxaan uga tashaneynaa aayaha Jubbaland, midda kale doorashadii Kismaayo ka dhacday xalaal ma ahayn sababtoo ah dadka weli ma wada heshiin, waxaana loo baahan yahay in la’isku tago oo aayaha gobaladaasi laga wada tashado” ayuu yiri Nabadoonka.

Degmada Garbahaarey waxaa horay loogu qabtay shir loogu magac daray Midnimo, kaasi oo wejigii ugu horeeyay looga hadlay aayaha gobalka Gedo, iyadoo loo madalsanaa wejigii Siyaasadda looga doodi lahaa.

Goobjoog News