U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobalka Gedo Oo Kasoo Horjeestay Doorashadii Jubbaland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Gedo ayaa kasoo horjeestay doorashadii dhawaan ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe)

Nabadoon Buraalle Jaamac Deer oo ah gudoomiyaha golaha guurtida degmada Garbahaarey oo u waramay Goobjoog News, ayaa sheegay in doorashadaasi aysan si xaq ah u dhicin.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonka in doorashada ay ka horeysay in la wada hadlo, islamarkaana aayaha gobalada Jubooyinka iyo Gedo aysan shaqsi hoos yaallin waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Doorashada Jubbaland ee dhacday waxaan u arkaa in ay tahay mid xaaraan ah, waxaan u aragnaa mid sii hurin karta colaadda gobalada Jubooyinka iyo Gedo, waxaan u aragnaa in dagaalkii horay u jiray lasoo celinayo, dadkii la laayay lagama wada hadlin, sidaa doorasho loo galaa” ayuu yiri Nabadoonka.

Dhinaca kale Nabadoon Deer ayaa ka hadlay maamulka gobalka Gedo ee dhawaan lasii magacaabay ayaa sheegay in uusan wax isbedal ah keeni karin, una arkaan faragelin ay waddo dowladda Itoobiya.

Ugu dambeyn suldaan Jaamac Deer ayaa ku baaqay in hadii loo baahan yahay Nabad ka dhalatay gobalada Jubbooyinka iyo Gedo in la helo, marka hore wada hadal la galo, lagana wada xaajoodo wixii dhacay.

Goobjoog News