U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobalka Gedo Oo Ku Baaqay In Laga Fiirsado Mooshinka Ka Yaalla Madaxweyne Xasan

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobalka Gedo ayaa ku baaqay in laga fiirsado mooshinka ka yaalla madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, iyaga oo sheegay in mooshinkaan uu dalka dhibaato u keeni karo.

Ugaas Maxamed Weli oo ka mid ah hogaanka dhaqanka ee gobalka Gedo ayaa u sheegay Goobjoog News, in dib loo eego maslaxadda shacabka Soomaaliyeed, si loo helo dowlad iyo kala dameyn waarta.

Waxa uu tilmaamay Nabadoonkaan in marnaba aan wax dan ah ku jirin mooshinkaan, hadii dalka iyo shacabka ahaan lahaayeen intaba, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Mooshinkaan cid dan ugu jirto malahan, shacabka dan uma ahan, dalkana dan uma ahan, waxaan u arkaa oo kaliya in shacabka wareer la gelinayo, maxaa yeelay maxaa horay loogu keeni waayay illeen Madaxweynaha Seddax Sano ayuu joogaaye” ayuu yiri Ugaaska.

Ugaas Maxamed Weli ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday maamulka Jubbaland iyo sidoo kal isbedallada maamul ee gobalka Gedo lagu sameynayo.

Waxa uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu awood Milatari ku haysto gobalada Jubbooyinka iyo Gedo, sidoo kalena aysan xal noqon doonin ciidamo dadka xoog ugu maquuniya.

Goobjoog News