U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Gedo Oo Ka Qeylo Qaaday Abaarta Ka Jirta Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Gedo ayaa ka qeylo dhaamiyey abaar daran oo ka jirta deegaanno kamid ah gobolkaasi, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada.

Nabadoon Daqare Cabdi Colaad oo u waramey Goobjoog News ayaa sheegay in dadka ay isugu darsantay abaar iyo sidoo kale cudurro kala duwan.

Wuxuu sheegay in xoolo badan ay u dhammaadeen biyo la’aan daran oo ka jirta gobolka Gedo.

“Gedo abaar ba’an baa ka jirta, illaa iyo hadda ma aanu da’in roobkii, dadku waxa ay u baahan yihiin waa biyo, xoolo badan baa dhammaadey, kuwa kalena harraad bay hadda u dhimanayaan, waxa kaliya hadda dadku u baahan yahay waa gargaar” ayuu yiri Nabadoonka.

Sidoo kale Nabadoon Daqare ayaa ugu baaqey cid walbo oo Soomaaliyeed in ay gurmad degdeg ah lasoo gaarto shacabka ku dhaqan gobolka Gedo oo xaaladdu ay kasii dari doonto haddii aaney helin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Gobollo badan oo kamid ah dalka waxaa ka jira abaar baahsan oo saameysay dadka iyo duunyada, waxayna dadku xilligaan u baahan yihiin gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah.

Goobjoog News