U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Hiiraan Oo Seddax Qodob Hordhigay Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobolka Hiiraan, gaar ahaan ugaasyadii la kulmay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda hor dhigay Seddax qodob oo ay sheegeen inay u arkeen xalka ugu haboon ee wax lagu xalin karo.

Qaar ka mid ah Ugaasyadan oo saxaafadda kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa waxay sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxmuud, Ra’iisul wasaare Cumar iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ay hordhigeen Seddax qodob oo ay sheegeen in laga sii jeestay wax ka qabashadooda.

Qodobada ay hordhigeen dowladda Federaalka ayaa waxay ku sheegeen:-

In Gobolka Hiiraan Labo loo qeybiyo

In la qabto shir dib u heshiisiin ah

In shirka Jowhar loo soo wareejiyo magaalada Baladweyne

Ugaasyadan ayaa sidoo kale sheegay in Seddaxda bisha soo socota ee April ay magaalada Baladweyne ka furi doonaan shir dib u heshiisiin ah.

Dhinaca kale Ugaasyadan ayaa sheegay iney aad uga xun yihiin khasaarihii ka dhashay dibadbaxyo maanta ka dhacay magaalada Baladweyne, kuwaasi oo ay dhigayeen shacab farabadan oo kasoo horjeeda shirka Jowhar.

Inta la xaqiijiyey waxaa dibadbaxaasi ku dhaawacantay Seddax qof oo shacab ah kadib markii askar ka tirsan dowladda Federaalka ay dadkaasi rasaas ku fureen.

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenkii Labaad waxa uu ku hoyanayaa magaalada Baladweyne si loo xalliyo tabashada waxgaradka gobolka Hiiraan.

Xaaladda guud ee magaalada Baladweyne caawa waa mid deggan, iyadoo xaafadaha magaaladaasi lagu arkayo ciidamada dowladda Federaalka oo amniga xaqiijinaya.

Goobjoog News