U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Hiiraan Oo Soo Dhoweeyey Madaxweyne Farmaajo

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa soo dhoweeyey madaxweynaha cusub ee dalka loo doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo ugu baaqay in safarkiisa ugu horreeyo uu ku tago magaalada Baladweyne.

Qaar kamid ah waxgaradkan oo ku kulmay B/weyne ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in la doorto Farmaajo, islamarkaana ka dhaqan ahaan ay aad u taageersan yihiin.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif oo kamid ah waxgaradkaasi ayaa kula dardaarmay madaxweyne Farmaajo inuu iska ilaaliyo wax walbo oo dhaawici kara sharaftiisa.

“Madaxweynaha waxa uu indhahiisa ku arkay in Soomaali oo dhan is raacday, waxaan u sheegeynaa in macallimiintii ay hadda jiifaan, weyna soo kici doonaan, howlyar in aysan ku sugeyn la soco madaxweyne, dadkaan dadkii aad ogeyd ma ahan, isbedal badan ayaa jira, wax badan ayaa la isku dayaa in lagu jilaafeeyo” ayuu yiri Ugaaska.

Tan iyo markii la doortey madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, waxaa soo badanayey hambalyada loo dirayo, iyadoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay dardaaran kala duwan siinayaan madaxweynaha.

Goobjoog News