U bood dhigaalka

Waxgaradka Gobolka Sool Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaallada Ka Socda Gobolkaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka gobalka Sool ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo dagaal beeleedka  ka soo cusboonaday degaannada hoos yimaada gobolkaasi oo ay ku dhinteen dad u badan shacab aan waxbo galabsan.

Boqor Cabdi Boqor Axmed Cali oo ka mid ah waxgaradkan ayaa isaga oo wareysi siiyey Goobjoog News waxa uu sheegay in ay soconayaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka iyo Salaadiinta gobalka Sool kuwaas oo lagu doonayo in lagu hakiyo colaaddani ka taagan dhanka Koonfureed ee gobalkaasi.

Wuxuu sheegay in ciidamada Somaliland ay kala dhex galeen beelaha dagaallamaya isagoo beeniyay in hub uu leeyahay maamulka Somaliland ay ku dagaallamayaan beelaha diriraya.

“Annaga nabad baan dooneynaa, ciidanka Somailland ayaa la kala dhex dhigay dhinacyada ku dagaallamaya gobolka, waxaana sidoo kale shacabka u sheegeynaa in waxa xukuumaddu usoo baxday tahay sidii dadku nabad ku heli lahaayeen, waxaan beenineynaa in hubkii Somaliland lagu dagaallamayo” ayuu yiri Boqor Cabdi.

Ugu dambeyn Boqor Cabdi Boqor Axmed ayaa ku baaqay in beelaha ay dirirtu joojiyaan oo ay nabadda qaataan si loo badbaadiyo haweenka iyo dhallaanka maadaama dagaalladii dhacay dadka ku dhimanayey iyo kuwa ku dhaawacmayay ay u badnaayeen dadka loo yaqaano Birimageydada.

Goobjoog News