U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Oo Dhaliilay DFS

Sheeko:Dalka

Waxgarada ka soojeeda Gobolka Hiiraan ayaa Dowladda Federaalka ku dhaliilen Hanaanka ay u martey Baaritaanka Shaqsiyaad lagu Tuhmayo Musug.

Waxgaradakan waxaa ay sheegeen in Muhiim ay tahay in qof waliba uu helo Cadaaladda iyo Baaritaan iyada oo Dastuurka dalka la raacayo.

Waxaa ay ugu dambeyn dowladda ugu baaqen in ay ka shaqeyso sidii raggaas Cadalaad ay u heli lahaayen.

Waxgaradkan ayaa ku dhaliilay Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumadda Kheyre hanaanka ay ku wajaheen ladagaalanka Musuq Maasuqa iyaga oo ugu baaqay in la sii daayo dhammaan dadka loo xiray Musuqa.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maalmihii dambe waxaa ay waday qorshe lagu xirayo dadka ku dhaqaaqa falalka la xiriira Musuqa waxaana hadda u xiray kiisaskaas Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Goobjoog News