U bood dhigaalka

Waxgaradka Hiiraan Oo Rajo Ka Muujiyay Dhaqan Galka Heshiiska Beelihii Ku Dagaallamay B/weyne

Sheeko:Dalka

Waxgaradka  ku dhaqan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay dhaqan galka heshiiskii dhawaan la kala dhex dhigay beello ku dagaallamay Xaafadda Howlwadaag ee magaalada Magaaladaasi.

Gudoomiyaha Odayaasha dhaqanka gobalka Hiiraan Dacar Xirsi Nuur oo la hadlay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in guul laga gaaray heshiisiinta beelahaan, islamarkaana muddo Seddax Bil ah ka dib la’isku soo laaban doono wada hadalka.

Waxa uu sheegay in beelahani intii ay ku dhex jireen heshiisiintooda uu ku dhintay mid ka mid ah Odayaasha dhaqanka B/weyne, islamarkaana haatan aysan ku khasaarin dadaalkooda, ayna heshiiyeen beelihii dagaallamay.

“Ilaahay ayaa mahad leh, wey heshiiyeen dhinacyadii dagaallamay, waxay sheegeen in markii horeba ay isku fududaadeen, ayna qaateen hadalka waxgaradka Hiiraan, waxaan ku ballanay muddo Seddax bil ah ka dib inay isku yimaadaan, waana rajeyneynaa in qodobadii lagu heshiiyay la fuliyo” ayuu yiri Nabadoonka.

Beelahan ayaa ku dagaallamay xaafadda Howlwadaag ee magaalada B/weyne, waxaana dagaalladaasi ay sababeen dhimashada dad ku dhaw 10 iyo dhaawac intaasi ka badan.

Goobjoog News