U bood dhigaalka

Waxgarad Isaga Baxay Shirka Maamul U Sameynta Hirshabeelle Ee Jowhar

Sheeko:Dalka

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa shirka isaga baxay qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka gobolkaasi.

Wariyaha Goobjoog News ee Jowhar ayaa soo sheegaya in waxgaradka baxay ay ka gadoodeen qaabka loo qeybsaday saamiga beelaha ee maamulka Hirshabeelle.

Doorashada guddoonka baarlamaanka ayaa xalay ka dhacday madasha shirka ee Jowhar halkaasoo lagu doortay iyo labo ku xigeennadiisa ah.

Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Odawaa ayaana ka qeyb galay.

Waxgaradka ka gadooday shirka ayaa Goobjoog News ka soo xiganeysaa in shirka la qalday ajandihiisa sida ay sheegayaan.

Goobjoog News