U bood dhigaalka

Waxgaradka Iyo Siyaasiyiin Ku Baaqay In Dib Loo Dhigo Shirka Maamul U Sameynta Gobollada Hiiraan iyo Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Qaar kamid ah odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa dalbaday in dib loo dhigo shirka maamul u sameynta gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe oo qorshuhu yahay waqti aan fogeyn inuu ka furmo magaalada Jowhar.

Odayaashaan oo ku sugan magaalada Jowhar ayaa soo jeediyay in shirka dib loo dhigo islamarkaana in maamul xilligani la dhiso uu carqalad ka dhex abuuri karo dadka ku dhaqan goballada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.

Waxgaradkani ayaa dowladda iyo IGAD ku eedeeyay inay ku fashilmeen maamul loo dhiso labadaasi gobol islamarkaana ay wanaagsan tahay in dowladda cusub ee soo socoto loo daayo dhismaha maamulka.

“Walaalayaalow waad ku fashilanteen 9 bil baa ergadu fadhisay Jowhar welina wax soo socda malahan, waxaana codsanaynaa in dowladda dhalan doonta ee cusub sanadka 2017 in loo daayo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe” ayay yiraahdeen waxgaradka Jowhar ku sugan qaarkood.

Waxay ku eedeeyeen dowladda iyo IGAD inay wadataan labo madaxweyne oo midba midka kale uu doonayo inuu ku soo baxo hoggaanka ninka uu wato.

Qaramada Madoobe iyo beesha caalamka ayay ugu baaqeen in la joojiyo shirarka ka soconaya gobalka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan magaalada Jowhar.

Ugu dambeyn, hadlaka waxgaradkaan iyo siyaasiyiintaan ka hadlay Jowhar ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu ka soo horjeestay habka loo marayo dhismaha maamulka gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Goobjoog News