U bood dhigaalka

Waxgaradka Iyo Siyaasiyiinta Gobalka Gedo Oo Isku Raacay Ka Qeybgalka Shirka Nabadeed Ee Kismaayo

Sheeko:Dalka

Siyaasiga Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in kulamo ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobalka Gedo, la’isku raacay in laga wada qeybgalo shir nabadeed dhawaan ka dhici doona magaalada Kismaayo.

Waxa uu sheegay in shirkani Kismaayo uu ka furmi doono 7-da bishaan, islamarkaana ay ka qeybgalayaan dhammaan siyaasiinta Gobalka Gedo ee dhaliilsanaa maamulka Jubbaland.

Waxa uu tilmaamay in kulanka ay ku yeesheen magaalada Muqdisho iyo gobalka Gedo ay isla garteen in la sameeyo tanaasulaad si loo helo maamul loo dhan yahay.

“Falaqeyn dheer ka dib waxay siyaasiyiinta iyo Waxgaradka gobalka Gedo isla garteen in wada hadal lagu dhameeyo wax walba oo jira, islamarkaana 7-da bisha si wadajir ah looga wada qeybgalo shirka Kismaayo” ayuu yiri Maxamuud Sayid Aadan.

Waxa uu sidoo kale siyaasigaan sheegay in shirka Kismaayo uu noqon doono mid lagu soo gabagabeeyo wax walba oo khilaaf ah ee jiro, ayna tagi doonaan rag ganacsato ah oo dalka dibaddiisa ka imaan doona.

Shirkaan Kismaayo la filayo inuu ka furmo 7-da bishaan waxaa isku soo dabariday maamulka Jubbaland, iyadoo maamulkan uu doonayo inuu soo afjaro cid walba oo wax ka tabaneyso.

Goobjoog News