U bood dhigaalka

Waxgaradka K/galbeed Oo Dhaliilsan Ciidanka DFS Ay Geysay Baydhabo

Sheeko:Amniga

Waxgaradka K/galbeed ayaa kasoo horjeeda ciidanka Booliiska ah ee ay dhowaan dowladda federaalka geysay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Waxa ay waxgaradkan u arkaan in dano gaar ah laga leeyahay oo dowladda ay dooneyso iney musharrax gaar ah ku naas nuujiso.

Malaaq Cali C/raxmaan Shiino oo ka mid ah waxgaradkan ayaa sheegay in wasaaradda amniga iyo saraakiisha ciidanka Itoobiya ee ku sugan Baydhabo kala hadli doonaan arrimahan.

Waxa u tilmaamay in ay weydiin doonaan wasaaradda amniga K/galbeed sababta ay ciidamadan u yimaadeen magaalada Baydhabo.

“Sababta loo keenay maba ogin, laakiinse wasaaradda amniga K/galbeed ayaan la ballansannahay oo aan weydiin doonnaa sababta taasi keentay, waxaan sidoo kale rabnaa in saraakiisha ciidanka Itoobiya ee jooga Baydhabo sidaas oo kale u weydiinno” ayuu yiri Malaaqa.

Ciidamada dowladda federaalka ay geysay magaalada Baydhabo ayaa noqday kuwa kaliya ee sida aadka ah looga hadal hayo magaaladaasi.

Goobjoog News