U bood dhigaalka

Odayaal Dhaqameedka Koonfur Galbeed Oo Dhaliilay Maamul Shalay Looga Dhawaaqay Degmada Ceelbarde, Bakool

Sheeko:Dalka

Waxgaradka maamulka Koonfur Galbeed ayaa dhaliilay maamul shalay looga dhawaaqay degmada Ceelbarde ee gobalka Bakool, kaasi oo loogu magac daray Bakool Sare.

Malaaq Deyrow oo ka mid ah Odayaashan ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in dhismaha maamulkaasi dano siyaasadeed laga leeyahay.

Waxa uu tilmaamay Malaaqa in dad gaar ah ay qas ka wadaan gobalka Bakool kuwaas oo uu ku tilmaamay inay doonayaan inay kala jaraan dadka walaalaha ah ee wada dega gobalka Bakool.

Sidoo kale malaaqa ayaa tilmaamay in dhismaha maamulkani ay ku lug leeyihiin gacan kale oo Sedaxaad oo uu sheegay in Bakool ay qas siyaasadeed ka wadaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Horta waxaa yaab ah in la yiraahdo madaxweyne ayaa loo doortay Hal degmo iyo Laba tuullo oo hoostagta, Koonfur Galbeed waxaa wasiirro iyo xildhibaanno ka ah dad u dhashay degmooyinkaan la leeyahay maamul baa loo sameeyay, waxaa qas ka wada Bakool dad dano kale oo gaar ah leh doonayana in dadka wada deggan la’isku diro” ayuu yiri Malaaqa.

Shalay ayaa gobalka Bakool waxaa looga dhawaaqay maamul cusub oo loogu magac daray Bakool Sare, kaasi oo ka arrimin doona sida la sheegay degmooyinka Ceelbarde, Yeed iyo Caato.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada