U bood dhigaalka

Waxgaradka Koonfur Galbeed Oo Ka Hadlay Muranka Ka Taagan Soo Xulista Xildhibaanada Maamulkaasi

Sheeko:Dalka

Waxgaradka maamulka Koonfur galbeed ayaa ka hadlay muranka ka taagan soo xulista xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkaasi, iyaga oo dhinaca kalena been abuur ku sheegay in is daba marin ay jirto.

Malaaq Deerow Cali oo ah afhayeenka Odayaasha dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa isaga oo u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in howsha ay u socoto sidii loogu tala galay, islamarkaana aana waxba ka jirin warar sheegaya in la musqayo xildhibaanada.

Dhammaan beelaha deggan gobalada Shabellaha Hoose, Baay, iyo Bakool ayuu sheegay in ay qeybsanayaan xildhibaanada Koonfur Galbeed, islamarkaana wax lagu qaadanayo sida degmooyinka loo kala degan yahay.

Sidoo kale Malaaqa ayaa sheegay in aysan wax buuq ah ka jirin degmooyinka Yeed, Caato iyo Ceelbarde oo gobalka Bakool ah, waxaana uu tilmaamay in ay jiraan siyaasiyiin doonaya in ay hanaanka howsha u socoto carqaladeeyaan.

Doodii ugu xooganeyd ayaa ka taagan qaabka loo qeybsanayo xildhibaanada baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed, waxaana jirta waxgarad iyo siyaasiyiin dhaliilay hanaanka ay xilligaan wax u socdaan.

Goobjoog News