U bood dhigaalka

Waxgaradka Ku Dhaqan Degmada Cadaado Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dagaalka Saaxo (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Cadaado ee gobalka Gal-gaduud ayaa ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka jira deegaanka Saaxo oo duleedka uga yaala gobalka Mudug.

Waxa ay sheegeen in dagaalada aysan lahayn natiijo wax dhista, waxaana ay u sheegeen dhinacyada dagaalamaya in nabadda qaataan oo ay joojiyaan dhalinyarada la’isku dilayo.

“Walaalayaaloow dagaal wiil ma dhalee wiil buu dilaa, wax nolol ah maleh wax caaqibo ah maleh, waad ogtihiin waxa uu dhibaato leeyahay, Aakhiro miyaadan Xusuusnee, Wiil La’aan iyo Maal La’aan ayuu idin ku reebayaa, walaalayaaloow naga joojiya dagaalka” sidaasi waxaa yiri mid ka mid ah waxgaradkaan baaqa nabadeed diraya.

Weli ma jirto qorshe cad oo hadda lagu kala dhex galay dhinacyadii dagaalamay, xilli walba ayaa la filan karaa dagaaladaan, iyadoo ay jiraan Odayaal is abaabulay oo deegaanka ah misane doonaya in xiisadda ay damiyaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News