U bood dhigaalka

Waxgaradka Ku Dhaqan Shabellaha Dhexe Oo Ka Digay Mooshinka Laga Geeyay Madaxweyne Xasan Sheekh

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah waxgaradka ku dhaqan gobalka Shabellaha Dhexe ayaa ka digay mooshinka ay xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ka geeyeen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Suldaan Axmed Rashiid Sheekh Shuceyb oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa mar uu maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Jowhar, waxa uu sheegay in marnaba aanu wanaagsaneyn mooshinkaan, waxaana uu sheegay in xildhibaanada looga baahan yahay inay dib uga fiirsadaan.

Waxa uu sheegay Suldaanka in mooshinkaan uu waxbadan dib u dhigi doono, islamarkaana laga yaabo in dalka horumaro uu gaari lahaa dib looga dhaco.

Suldaanka ayaa tilmaamay in xildhibaanada looga baahan yahay in ay dib u eegaan danta shacabka Soomaaliyeed, islamarkaana ay dib ula laabtaan wax walba oo mooshin ah, si aan looga dib dhicin hiigsiga 2016-ka.

Xildhibaanno ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka gudbiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo ay ku eedeeyeen qodobo dhowr ah.

Goobjoog News