U bood dhigaalka

Waxgaradka Magaalada B/weyne Oo Ku Guuleystay Furista Waddo Halbowle u Ahayd Isku Socodka Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada B/weyne oo uu horkacayay Ugaas Cabadiraxmaan Ugaas Khaliif ayaa ku guuleystay in ay furaan wadada laamiga ah ee magaaladaasi, taasi oo in ka badan 7 cisho u xirneyd maleeshiyaad hubeysan.

Dadaal maalmo badan ay wadeen Odayaashaan ayaa waxay ku guuleysteen saaka inay halkaasi ka qaadaan Maleeshiyaadkii, islamarkaana wadada laga qaado waxyaabihii ay ku xireen.

Maleeshiyaadkii wadadu u xirneed waxaa la sheegayaa in dhanka Xerada daraawiishta loo qaaday, iyadoo xaaladda ay hadda ka yara degan tahay sidii hore.

Wariyaasha Goobjoog News ee magaalada Baladweyne ayaa soo sheegaya in wadadii xirneed maalmahan ay haatan si caadi ah u isticmaalayaan gaadiidka dadweynaha.

Maleeshiyaadkaan oo ka carreysnaa dil magaaladaasi 14-kii bishaan loogu geystay sarkaal u shaqeynayay hay’adda Main Action, iyadoo wixii maalintaasi ka dambeeya ay wadadani xirneed, sidoo kalena waxaa halkaasi ka jirtay xiisad cabsi gelisay dadka deegaanka.

Goobjoog News