U bood dhigaalka

Waxgaradka Muqdisho Qaarkood Oo Baaq u Diray Wasaaradda Maaliyadda DFS

Sheeko:Dalka

Mid ka mid ah waxgaradka magaalada Muqdisho ayaa wasaaradda maaliyadda dowladda federaalka ugu baaqay inay wax ka beddasho canshuur dheeraad ah oo ganacsatadu ay cabasho ka muujinayaan.

Nabadoon Cali Xuseen oo la soo xiriiray Goobjoog ayaa sheegay in dowladdu ku qaldan tahay in dekadda Muqdisho kaliya ay u awood sheegato, ganacsatada wax kala soo degana lacag badan kusoo rogto iyadoo aysan gacanta ku heynin dekadaha kale ee dalka ku yaalla waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasaaradda maaliyadda ayuu u soo jeediyay inay wax ka beddasho canshuurta ay ganacsatada ka cabanayso, isla markaana ganacsatada reer Muqdisho laga dhaafo kadeedka lagu hayo.

“Waxaan dhihi lahaa dalkaan kaliya ma ahan Muqdisho, ganacsatada yaan la kadeedin, wax aan socon karin yaan lagu sameynin, canshuur waa la gartay, balse waxa hadda socda waa xad dhaaf, wasaaradda waxaan usoo jeedinayaa iney ka laabato go’aankeeda” ayuu yiri Nabadoon Cali.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa ku dhowaaqay in maanta wixii ka dambeeya aanu shaqeyn doonin suuqa weyn ee Bakaaraha inta isbedal lagu sameyn doono canshuurta dheeraadka ah ee dekadda lagu qaadayo.

Goobjoog News