U bood dhigaalka

Waxgaradka Puntland Iyo Gal-mudug Oo Ku Guuleystay In Ay Siidaayaan Dad Labada Dhinac u Kala Xirnaa (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Magaalada Gaalkacyo
Magaalada Gaalkacyo

Waxgradka Puntland iyo Gal-mudug ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa maanta ku guuleystay in ay soo daayaan Dad u kala xirnaa Labada dhinac, ka dib dadaalo muddo badan socday oo ay wadeen waxgaradkani.

Bishii November ee Sanadkii 2012 ayaa ciidamada Nabad nabad sugidda maamulka Puntland waxa ay Cabdirisaaq Xuseen Tahliil ka kaxeysteen suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo, hase ahaatee ehlada wiilkaasi ayaa isla markiiba waxa ay gacanta ku dhigeen Seddax ruux oo dhanka Puntland kasoo jeeda.

Maxkamada ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa dil toogasho ah ku xuntay Cabdirisaaq, taasi oo shacabka ku wada nool magaalada Gaalkacyo ay wal wal badan ku abuurtay.

Hadaba si arintaan loo xaliyo ayaa Odayaasha Gaalkacyo waxa ay bilaabeen in Labada dhinac u kala dabqaadaan si loo dhameeyo wax walbba oo jira.

Waxa ay ku guuleysteen in maamulkaa Puntland ay kasoo daayeen wiilkii ay dilka toogashada ah ku xukumeen sidoo kalena ehlada wiilkaasi ay kasoo sii daayeen Seddaxdii qof ee u afduubnaa.

Arintaasi ayaa shacabka Gaalkacyo u keentay in ay kala feejignaadaan, iyadoona Odayaasha ooo taas ka duulaya ay sheegeen in maanta wixii ka dambeeyo aysan shacabka kala shakin oo ay si walaalnimo ah ku wada noolaadaan.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News