U bood dhigaalka

Waxgaradka Puntland Iyo Galmudug Oo Billaabay Ka Hadallka Dagaallo Ka Dhacay Mudug

Sheeko:Dalka

Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa wada hadal uga billowday waxgarad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug, kuwaasi oo  ka shiraya dagaallo dhawaan ka dhacay Bariga Gobolka Mudug.

Waxgaradkan ayaa ka hadlaya sababtii keentay dagaalladan, sidoo kalena mar walbo soo celiya dagaallo dhexmara beelahan kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Nabadoon C/naasir Jaamac oo ka mid ah waxgradka Galmudug ayaa sheegay in iyaga ay ku baaqeen wada hadalkaan, islamarkaana ay doonayaan in la damiyo xiisadda ka jirta bariga gobolka Mudug.

“Dadka inta badan rabshada kiciya dhallinyaro ayeey u badanyihiin, waxaan la hadleynaa waxgaradka dhanka Puntland, nabadda ayaa loo baahan yahay, waxaan ka hadleynaa sidii loo damin lahaa wax walbo oo jira, waxaan ugu baaqeynaa dhallinyarada in iyaguna nabadda ay nagala shaqeeyaan” ayuu yiri Nabadoonka.

Dagaallo u dhaxeeya Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamullada Puntland iyo Galmudug ayaa dhawaan ka dhacay Bariga gobolka Mudug, kuwaasi oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Goobjoog News