U bood dhigaalka

Waxgaradka Puntland Oo Nabad Ugu Baaqay Beelaha Ku Dagaallamaya Sool

Sheeko:Dalka

Waxgaradka Puntland ayaa si wadajir ah waxay baaq nabadeed ugu direen beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya deegaanka Dharkeyn Geenyo ee gobolka Sool, halkaasi oo khasaare badan uu ka dhashay.

Garaad C/laahi Cali Ciid oo ah afhayeenka isimada Puntland ayaa sheegay in waxgaradku ay doonayaan inay arkaan nabad ka dhalata gobolka Sool iyo beelahan diriraya oo heshiiyey.

Garaadka waxa uu sheegay in dadka dhimanaya ay Soomaali yihiin islamarkaana khasaaraha aanu beel kaliya ku koobneen oo shacabka oo dhan ka wada damqanayaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa beelaha walaalaha ah ee ku dagaallamaya Dharkeyn Geenyo in nabadda ay qaataan oo ay u istaagaan sidii ay nabadda u qaadan lahaayeen, ma wanaagsan in la daadiyo dhiigga walaalaha Soomaaliyeed, waa in la keenaa xal aan xabad ahayn” ayuu yiri Garaad C/laahi.

Baaqan nabadeed ee ay jiidinayaan waxgaradka Puntland waxa uu imaanayaa in xilli maamulka Somaliland uu magaalada Laascaanood ka wado dadaallo lagu dhameynayo colaadda gobolka Sool.

Goobjoog News