U bood dhigaalka

Waxgaradka Puntland Oo Walaac Ka Muujiyey Maamulka Degmadda Boosaaso Ee DP World

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan Puntland ayaa sheegay in walaac ay ka qabaan maamulka dekadda Boosaaso ee shirkadda DP World.

Nabadoon Cabdiraxmaan Jaabiri Samatar oo la hadlay Goobjoog News, ayaa sheegay in waxgaradka Puntland ay dalbanayaan in dib-u-eegis lagu sameeyo heshiiska muddada 30-ka sano ah loogu wareejiyay shirkadda DP World dekadda magaalada Boosaaso.

Wuxuu sheegay in dowladda federaalka aysan ka warqabin heshiiskani oo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas uun uu qataay go’aanka dekaddaasi lagu wareejiyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Annagu walaac weyn baan ka qabnaa in dekadda Boosaaso ay 30 sano maamulaan DP World, Gaas ayaa lacag lagu soo siiyey, isagana baarlamaankii ayuu laaluush siiyey, marka waxaan dalbaneynaa in shirkaddan dhan dib loo eego” ayuu yiri Nabadoonka.

Ugu dambeyn, Nabadoon Cabdiraxmaan Jaabiri ayaa ugu baaqay dowladda federaalka inay dib u eegto shirkadaha shisheeye ee la wareegaya dekadaha ku yaalla gobollada dalka.

Goobjoog News