U bood dhigaalka

Waxgaradka Sool Oo Baaq u Direy Beelaha Ku Dagaallamaya Sool

Sheeko:Amniga

Waxgaradka Gobalka Sool ayaa sheegay in laga gaabiyay xal ka gaarista colaadda kusoo noq-noqotay gobalkaasi.

Suldaan Maxamed Siciid Garaase oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa sheegay in mamaulka halkaa ka jira uu indhaha ka qabsaday waxa soconaya, islamarkaana dagaalka uu gaaray in dad badan ay ku dhintaan, kuwo kalena ay barakacaan.

Waxa uu sheegay in maamulka gobalka Sool looga fadhiyo in si degdeg ah ay uga jawaabaan islamarkaana ay kala dhex galaan dhinacyada dirirtu ka dhexeeyso.

“Ma ahan in weli indhaha laga sii qabsado waxa ka socda gobolka, waa in si dhab ah loo kala dhexgalaan beelaha is dilaya ee dadkii laayey, waa in maamulka meesha joogaa uu qaado mas’uuliyadda waxa taagan” ayuu yiri Suldaanka.

Ku dhowaad 40 qof ayaa ku geeriyootey dagaallo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Dumaar ee gobolka Sool, iyadoo weli deegaankaasi ay xiisad ka jirto.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News