U bood dhigaalka

Waxgaradka Sool Oo Maadeys Ku Sheegay Hadal Dhowaan Kasoo Baxay Madaxweynaha Puntland

Sheeko:Dalka

Caaqil San yare oo ka mid ah waxgaradka gobolka Sool ayaa sheegay in hadalkii dhowaan kasoo yeeray madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ee ahaa in misaaniyadda ku darsadeen gobollada Sool iyo Sanaag ay tahay hadal siyaasadeed aan runta looga sheegeyn xaaladda gobolladaasi.

Waxa uu sheegay in gobollada uu sheegay Dani iney maamusho Somaliland, islamarkaana ka waxgarad ahaan ay la yaabeen markii ay maqleen hadalkaasi.

“Anigu hadalkaasi waxaan u arkaa mid siyaasadeed, waxa uu la mid yahay kuwii ay dhihi jireen madaxweynayaashii isaga ka horreeyey, wuxuu miisaaniyad u sameysan karaa meel uu maamulo, laakiinse waa wax riyo ah in meel aanu ka talin uu miisaaniyad u sameeyo” ayuu yiri Caaqil San yare.

Dhanka kale, Caaqil San yare ayaa sheegay in Puntland aanay jirin cid awood uga soo saartay gobollada Sool iyo Sanaag, balse ay iyada un si iskeeda ah isaga soo baxday.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/laahi Dani ayaa dhowaan ka hor sheegay baarlamaanka Puntland in gobollada Sool iyo Sanag lagu soo daray miisaaniyadda maamulkooda ee sanadkan, isaga oo dhanka kale sheegay in dhowaan ay la wareegi doonaan deegaannada gacantooda ka maqan.

Goobjoog News