U bood dhigaalka

Dhageyso: Waxgaradka Waqooyiga Gaalkacyo Oo Hal Arrin u Ballanqaaday Madaxweyne Dani

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan Waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa ka hadlay doorashadii 8-dii bishan ka dhacday magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal.

Nabadoon C/casiis Sheekh Yuusuf oo ka mid ah waxgaradka ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog wuxuu sheegay in ka waxgaradk ahaan diyaar u yihiin in si buuxda ula shaqeeyaan madaxweynaha cusub.

Wuxuu tilmaamay in Dani aanay aqoon wanaagsan u lahayn, balse u arkaan shaqsi wax qaban doono, maadaama ay jiraan dad badan oo isaga aqoon u leh misane amaanay.

Dhanka kale, Nabadoonkan ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Puntland in ay si buuxda ula shaqeeyaan madaxweyne Dani.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News