U bood dhigaalka

Waxqabadka Xukuumadda Federaalka Ee Bishii February 2016

Sheeko:Dalka

Goobjoog News waxa Ay bil walba idiin Soo gudbisaa warbixin Ka hadlaysa wax Qabadka Xukuumadda Soomaaliya.

Warbixintaan ayaa diiradda lagu saaraa wax kasta oo wax qabad u muuqda islamarkaana qabtaan Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya Si loo ogaado waxqabadka Dhabta ah ee ay hayaan Wasaaradaha Xukuumadda Federalka ah Soomaaliya.

Waxaa Warbixintaan ay diiwaangelisa Kuwa aan wax qabad la imaan Iyadoo ku soo bandhigta Warbixinta si loo ogaado Sida ay wasaaradyhu u kala shaqo Badanyihiin. Waxa ayna u iftimisaa Warbixintaan Xukuumada In ay go;aan ka gaarto Wasaaradha Aan waxqabadka Lahayn.

Haddaba waxa aan Ku bilaabi doonaa warbixinta waxyaabaha u qabsaoomey Xukuumadda Gaar ahana Xafiiska Raysal wasaaraha Bishii Febaraayo ee sanadkan 2016-ka.

  1. XUKUUMADDA

Febuary 10, 2016. Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharmaarke ayaaa kulan la yeeshay haweenka Soomaaliyeed  ee ka kala socday Bulshada Rayidka, ururda Haweenka iyo Qeybaha kale ee Bulshada Iyagoo ka wada hadlay arimmo dhowr Ah.

Kulanka  uu ra’iisul wasaaraha Xukuumaadda la yeeshay haweenka ayaa ahaa mid la tashi ah oo ku aadana xaaladda dalka iyo doorashada 2016 ee la filayo in ay Soomaaliya ka dhacdo, iyo weliba Koontada haweenka Soomaaliyeed ku yeelan doonaan.

Kulanka ayaa haweenka waxa ay su’aalo toos ah ay ku weydiinayeen ra’iisulwasaaraha Soomaaliya, isagoo uga Jawaabayay hadba Su’aalaha maankooda ka guuxaya Haweenka Soomaaliyeed, waxa uuna Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa u balan qaaday haweenka in kaalintooda aan dib loo dhigi doonin si gaar ahna wuxuu carrabka ku adkeeyey inay heli doonaan Koontada loo balanqaaday ee ah 30% (Boqolkiiba soddon) iyo in ka badan.

kulankan oo ahaa kii u horeeyay ra’iisulwasaaraha uu la qaado haweenka Soomaaliyeed islamarkaana uu latashi kala sameeyo ayaaha dalka.

Febuary 19, 2016. Golaha wasiirada ee xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, waxaana shir guddoomiyay ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, iyadoo kulankan Warbixino looga hadlay Wasaaraddo kala duwan.

Ugu horeyn, golaha Wasiirada ayaa cod u qaaday labo xubnood oo u sharaxnaa inay ka mid noqdaan guddiga talada ee Bankiga dhexe ee Soomaaliyeed (Board of the Bank), waxaana xubnahan soo gudbiyay Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo golaha Wasiiraduna ay ogolaadeen, kadib markii ay ku qanceen aqoonta, khibradda iyo shaqsiyadda labadan mas’uul, magacyada labadan xubnood ayaa kala ahaa C/rashiid Maxamed Siraaj iyo Yuusuf Maxamed Cali ah aqoonyahano dhanka maamulka iyo maaliyadda. Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa ka dooday dib u howlgelinta ururka dhaq dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), waxaana golaha Wasiiradu ay ka doodeen muhiimadda ururkan iyo waxqabadkiisa arrimaha horumarinta iskaashatooyinka iyo wax soo-saarka kheyraadka gudaha, waxayna ogolaadeen in dib loo howlgaliyo ururkaasi.

Gabagabadii, golaha Wasiirada ayaa tacsi u diray Shacabka dalka Turkiga iyo hogaankoodaba, waxayna uga tacsiyadeeyeen dhimashadii ka dhalatay qaraxii ka dhacay Arbacadii magaalada Caasimadda ah ee Ankara, waxayna ku tilmaameen mid ka baxsan bani’aadanimada.

Febuary 25, 2016. Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa 25kii Feberaayo 2016 yeeshay kulankoodii joogtada ahaa, iyadoo kulankan Warbixino looga dhageystay Wasaarado kala duwan, isla markaana lagu ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed. Ugu danbeyntii, Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Siyaasadda Guddiga Ammaanka iyo Difaaca Xeebaha Soomaaliyeed oo uu soo gudbiyey xafiiska ra’iisulwasaaraha, sidaas ayaana lagu dhaqan galin doonaa siyaasaddan cusub. 

  1. WASAARADDA ARRIMAHA DIBADDA

Febuary 3, 2016. Wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa la kulantay wasaaradda arrimaha dibadda ee sudaan iyagoo ka wada hadlay arimaha quseeya labada dal.

Kulanka waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiinta labada Safaaradood iyo Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Suudan. xogahaya joogtada ayaa Wasiiru-dowlaha kaga waramay xaaladda haatan dalku marayo iyo in dowlada Sudan ay kaga mahadcelinayaan garab istaaga joogtada ah ee dhan walba ay kala taaganyihiin walaalahood Soomaliyeed.

Sidoo kale xoghaya ayaa la kulmay wakiilka wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee dalka sudan kadib codsi ka yimid ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata dalkan oo ahaa in Xogahayhu kala hadlo Wasaaradda arrimo quseeyay Ardayda.

Febuary 3, 2016. Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ku kala saxiixday magaalada Adisababa heshiis iskaashi oo labada dal ay dhinacyo badan uga wada shaqeyn doonaan. Waxaana heshiiskaan kaalin weyn ka qaadan doona guddiga wadajirka ah ee Iskaashiga labada dal (Joint Commission of Cooperation (JCC).

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dowladda federaalka ee Soomaaliya, Dr Cabdisalaam Hadliye Cumar oo heshiiskan u saxiixay dhanka Soomaaliya ayaa sheegay in Soomaaliya ay wax badan ka kororsan doonto heshiiskan. Halka dalka Kenya ay heshiskan u sixiixday wasiirka arrimaha dibadda Amina iyadoo sheegtay in labada dal ay isu baahan yihiin, wax badanna ay iska kaashan karaan.

Heshiiskan ayaa dib u eegis lagu sameeyaa 5 tii sano mar, waxaa markii ugu  horeysay la kala saxiixday sanadkii 2005, waxaana la filayaa in labada madaxweyne ay qalinka Ku duugaan.

Febuary 7, 2016 Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa daahfurtay Siyaasadda arrimaha dibadda ee lagu maamuli doona Wadanka.

Munaasabadda Lagu Daahfuray Siyaasadda arrimaha dibadda waxaa daahfuray Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C.saalan Cumar Hadliye, waxaana goobjoog ka ahaa xubno ka tirsan golayaasha dowladda iyo safiirada caalamka ee jooga Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale.

Siyaasaddan ayaa ku dhisan Tiirarka xoojiya nabadgelyada iyo ammaanka qaranka ee heer gobol iyo heer caalami. iyadoo ka qeybgal rasmi ah laga sameynayo diblomaasiyadda laba geesoodka iyo midda dhinacyada badan ee uu barbar socdo fulinta waajibaadka la xiriira balamada, heshiisyada caalamiga iyo dhiirigelinta howlaha ganacsi iyo dhaqaale si loo gaaro horumar waara.

Siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ah mid cad oo ilaalinaysa madaxbanaanida midnimada iyo qaranimada Soomaaliya.

  1. WASAARADDA WARFAAFINTA

Febuary 3, 2016. Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa waxa uu kulan kula qaatey Magaalda Nairobi wakiilka midabka Europe u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso iyagoo kawada Hadley arimo dhowr ah oo ku saabsan Xaalada Guud ee Dalka iyo Dowrka Warfaafinta ee Wacyi gelinta iyo horumarka Dalka.

Waxyaaba ay Kawada Hadleen Wasiirka Wasaaradda warfaafinta iyo  Wakiilka Midawga Europe waxaa kamid ahaa waxyabaha horyaala wasaarada warfaafinta sanadkan 2016 iyo xaalada guud ee Soomaaliya, Arrimaha Doorashooyinka iyo dowrka warbaafinta ay ku ledahay Wacyi gelinta bulshada iyo Sidoo kale Hirgelinta Sharciga Saxaafada Soomaliya.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda ayaa uga mahadceliyey Midowga Europe Taageerada ay la garab taaganyihiin Soomaaliya isagoo ka codsaday in ay sii xoojiyaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

  1. WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA

Febuary 3, 2016. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa meelmariyey Sharciga qaxootiga iyo barakacayaasha oo ay u soo gudbisay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Bishii December ee sanadkii tegey 2015.

Baarlamaanka oo dood dheer ka yeeshey Sharcigan Soona maray akhrinta Koowaad, labaad iyo seddexaad,ayaa ugu dambayn waxaa uu Baarlamaanku ku guulaystay in uu meelmariyo Sharcigaan waxaana ogolaaday 155 mudane, waxaa ka aamusay 1 mudane, mana jirin cid kale oo ka soo hor jeesatay, waxaana sidaasi ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka mudane Jeylaani Nuur Iikar.

Febuary 8, 2016. Wasiirka arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa) ayaa gaaray degmada Hobyo ee gobolka Mudug. Waxaa Wasiirka Safarkiisa ku wehliyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Nuux iyo Wasiiru-dowlaha madaxtooyada Mahad salad.

Wasiirka ayaa kulan kula Qaatay Degmada Hobyo Madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo xubno kale oo ka tirsan maamulka Galmudug, kuwaasi oo ay kala hadleen xaaladda amaan ee degmada Hobyo iyo sidii maamul deegaan loogu sameyn lahaa.

Sido kale kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada xaajoodka lala galayo Ahlusunna Waljamaaca,si ay qeyb uga noqdaan dowlad goboleedka Galmudug.

Febuary 9,2016. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka xukuumadda Soomaaliya iyo madaxweynaha Galmudug ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Dekada magaalada Hobyo ee gobolka Mudug.

Febuary 9,2016. Golaha Wasiirrada ayaa meel mariyay sharciga axsaabta oo ay u soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha gudaha Soomaaliya.

  1. WASAARADA BATROOLKA

Febuary 3, 2016. Wasaaradda Batroolka ayaa u gudbisay baarlamaanka federaalka Soomaaliya Sharciga maareynta kaalmaha shidaalka dalka, Wasiirka wasaaradda Batroolka Mudane Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ka hor hadlay ayaa sheegay in sharcigaan uu muhiimad weyn u leeyahay maareynta Kaalmaha Shidaalka dalka iyo sidii sharciga loo waafajin lahaa.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga sugayaa inuu ansixiyo sharciyaan kadib marka ay dood dheera ka yeeshaan. 

  1. WASAARADDA GAADIIDKA IYO DUULISTA HAWADA

Febuary 1, 2016. Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ee dowladda Soomaaliya Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa sheegay in xafiis cusub oo laga heli karo baasa boorka Soomaaliga laga hirgeliyay dalka Mareykanka, isla markaana ay bulshada Soomaaliyeed u tahay fursad  in baasaboorka ay ka qaadan karaan xafiiska cusub ee dalka Mareykanka laga furay.

Jeneraal Cabdulaahi Gaafow Maxamuud ayaa xusay in socdaalkii uu dhawaan ku tegey dalka Mareykanka uu guul ku soo idlaaday, isagoo intaa ku daray in uu socdaal ku soo maray Denmark, halkaasi oo uu kulamo kula qaatay madaxda dalkaasi oo uu kala hadlay arrinta baasaboorka Soomaaliga.

Taliyaha hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa sheegay in helidda E-passport uu yahay mid aan si fudud ku imaan, isla markaana dowladda ay buuxisay sharuudihii looga baahnaa, isagoo intaa ku daray dhawaan ay soo bandhigi doonaan waxyaabaha u qabsoomay waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha, gaar ahaan qeybta E-passport oo la hirgeliyay sanadkii 2006-da

Febuary 11, 2016. Shir Looga Hadlayey maamulidda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa lagu Soo Gabagabeeyey Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya.

Shirkaan ayaa waxaa ka qeyb Galey Wasiiirka Ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Mudane Xersi Aadan Rooble, Safiirka Soomaaliya EE dalka Kenya, gudiga baarlamaanka u qaabilsan gaadiidka iyo duulista hawada iyo Shirkadda maamusha Hawada Soomaaliya Ee ICOA.

Gagabadii Shirka ayaa waxaa  ka warbixiyey Danjiraha Soomaaliya Mudane  amaal Maxamed Xasan waxa uuna Sheegey in Dadka ka shaqeeya hadda Soomaalida joogta ay yihiin dad sharci daro lagu keenay oo labaatankii sano ee ugu dambeeyay ka shaqeynayay Kenya,iyagoo sharci iyo wax xaquuq ah lahayn,lacag fiican la siin nolol fiicana aysan qaadan oo ay u sii dheertahay hawadii Soomaaliya inay gacanta ku heyso hay’adda ICOA Taasoo meel ka dhac ku ah dowladnimada Soomaaliya.

Sidoo Kale Safiirka ayaa sheegey in shirka la isku afgartey n aysan jirin waxa ka hortaagan Dowladda Soomaaliya in Lagu wareejiyo Maamulka Hawada Soomaaliya, oo in kabadan 20 sano ay Maamulaysey Hayadda ICOA.

  1. WASAARADDA HOWLAHA GUUD

Febuary 8, 2016. Wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayo wasiirka wasaaradda Howlaha Guud Eng saalax   iyo saraakiil kale oo ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa Kormeerey Xarumaha barakacayaasha ee magaalada Kismaayo ee maamulka Jubaland.

Wafdiga uu hogaaminayo wasiirka ayaa halkaasi Kula kulmay masuuliin Ka socota maamulka Jubalan iyagoo kawada Hadley  xaaladaha amaan iyo tan beni’aadanimo ee ka jirta deegananda Jubbaland, waxayna ugu dambayntii isku  afgarteen in taageero la gaarsiiyo baracakaayasha ku nool Kismaayo.

Wafdiga ayaa ugu dambeyn waxa ay booqdeen Xeryahay barakayaasha eek u yaalla Magaalada Kismaayo halkaa oo ay ku jiraan dad Barakacayaal ah oo qaarkood ay ka soo laabteen Ceryaha Qaxootiga Kenya kuwaa oo baahan kaalmo Biniaadnimo. 

  1. WASAARADDA MAALIYADDA

Febuary 7, 2016. Wasiirka wasaaradda maaliyadda Mudane  Maxamed Aaden Ibraahim Ferkeeti ayaa soo dhaweeyey ansixintii golaha barlamaanku ay meelmariyeen hindisiha ka noqoshada Hay’ada Iskaashiga Islaamiga iyo Horumarinta (Islamic Cooperation of Development) ICD, taa oo ay Wasaaraddu u gudbisey Baarlamaanka Federaalka AH ee Soomaaliya.

Hayaddan Iskaashiga islaamka iyo Horumarinta ee Loyaqaan ICD waxa ay Ka caawisaa Dowladaha Xubnaha Ka ah dhinacyada siyaasadda, iyo GanacsiyadaYar yar. Sidoo kale ICD ay kor u qaada asaaska, balaarinta iyo casriyeeynta ganacsiga gaarka loo leeyahya iyadoo u maraysa la talin dadka ku howlan, iyo wadamada xubnaha ka ah, waxaa kale oo ICD balaarisaa kaalmada la siinayo shirkadaha taas oo u sahli karta iney kor u qaadaan ganacsigooda dhanka khibrada iyo xirfadaba, iyo si ay u helaan xiriiro caalami ah.

  1. WASAARADDA AMNIGA GUDAHA

Febuary 6, 2016. Munaasabad tababbar loogu soo xirayay in ka badan 100 askari oo ka mid noqonaya ciidanka booliska ayaa lagu qabtay dugsiga sare Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ka qeyb galeen Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliya, taliyexigeenada ciidanka booliska, saraakiil ka socotay booliska AMISOM iyo saraakiil kale.

Taliyaha iyo saraakiisha la socotay ayaa waxa ay salaam sharaf ka qaateen cutubyo ka tirsan ciidanka booliska Soomaaliyeed.

Sareeyo Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka tababbarka u soo gabo gaboobay looga baahanyahay inay si hufan u gutaan waajibaadka loo idmaday.

 

Febuary 6, 2016. Saldhiggan oo ay dhismihiisa gacan ka geyatay Qaramada Midoobay ayaa taliska AMISOM waxa uu maanta ku wareejiyay dowladda Federaalka Soomaaliya kadib xaflad maanta ka dhacday garoonkaasi.

Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Sheekh Xasan Xaamud oo furitaanki saldhiggaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in saldhigani uu wax muuqda ka qaban doono ammaanka guud ee garoonka.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda amniga C/naasir ayaa uga mahadceliyay intii gacantaka geeysatay dhismaha saldhigaasi,isagoo shaaciyay in la adkeeyay amaanka garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ku soo beegmaya iyadoo dhawaan dayuurad ay laheyd Shirkikadda Daallo oo garoonka ka kacday uu qarax dhinaca midig ka dalooliyay, kaddibna ay si deg deg ah ugu soo noqotay garoonka,iyadoo uu socdo baaritaanka arrintaasi.

  1. WASAARADDA GASHAANDHIGGA

Febuary 10, 2016. Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane  C/qaadir Sheekh Cali Diini Ayaa Hambalyo u direy Ciidamadda Badda Soomaaliya oo u dabaaldegayey Sanad Guuradii 51-aad ee Aasaaska Ciidamadda Badda iyo Difaaca Xeebaha  Soomaaliya.

Wasiir Diini ayaa Sheegey in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hada wado qorshe la xiriira sidii ciidankaasi loo tayeyn lahaa si uu awood buuxda ugu yeesho inuu noo ilaaliyo Baddeenna oo ah bad dhererka baaxadeedu aad u ballaaranyahay islamarkaana badda ugu xeeb dheer ee Afrika waxaana uu nasiib darro ku tilmaamay in Soomaaliya aysan laheyn ciidankii loo baahnaa ee difaaci lahaa xeebadahaas.

  1. WASAARADDA CAAFIMAADKA

Febuary 10, 2016. Dowladda Soomaaliya iyo hayadda Qaramada Midoobey U qaabilsan Arimaha Soomaaliya ayaa Heshiis Kuwada sixiixdey Magaalada Nayroobi ee Dalka Kenya kaa oo lagu horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya.

Waxaa heshiiskan u sixiixay Dowladda Soomaaliya wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya Marwo Xaawo Xasan Maxamed  ayaa waxaa goob joog ka ahaa ,agaasimaha guud ee wasaarada cafimadka Dr.Cabdiqani Shiikh Cumar iyo Xubno Matalayay Caafimaadka Maamulada ka jira gobalada dalka. Dhanka kale waxaa heshiiskan U sixiixwy WHO  Dr.Ghulam Popal Rabani oo ah Madaxa WHO ee Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa ah Mid Labo Sano ah oo Lagu Horumarinayo Caafimaadka Soomaaliya Gaar Ahaan Cudurada Halista ah Sida HIV-Aidis-ka, waxaana iska kaashanaya Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda WHO.

Febuary23, 2016. Wasaraadadda Caafimaadka Soomaaliya ayaa agab caafimaad gaarsiisey qaar ka mid ah isbitaalada ku yaal caasimaada Mogadishu.

Agabka la aarsiiyey isbitaalada ayaa waxaa ka mid ahaa sariiro loogu tala galey bukaanka waxaana Isbiitaaladda La gaarsiiyey qalabka caafimaad ka mida afar isbitaal oo ku yaala magaalada Muqdisho, kuwaasi oo kala ah Benaadir, Madiina, Keysaney, Deyniile iyo xarun caafimaad oo ku taala degmada Xamar Jajab, kana mid ah kuwa sida lacag la’anta ah ugu adeegyada caafimaad u siiya bulshada, iyadoo deeqdaan ay ka timid hay’ad ka shqeysay dhanka gargaarka oo laga leeyahay dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Saacid Muhana oo ka mid ah mas’uuliyiinta hay’adda deeqda keentay ayaa tilmaamay inay joogteenayaan wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cismaan Maxamed Cabdi Daalo oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in deeqdan ay tahay mid ay baahi weyn u qabeen isbitaalada magaalada Muqdisho qaarkood, isagoo dowladda boqortooyada sacuudiga uga mahadceliyay sida ay marwaliba u garab taagantahay Ummadda Soomaaliyeed.

  1. WASAARADDA DASTUURKA

Febuary 13, 2016. Kulan Gaar ah oo ay isugu Yimaadeen Golaha Wasiirada oo looga Hadlayey Dib u eegista Dastuurka ayaa lagu Qabtey Magaalada Mogadishu.

Kulanka waxaa shir Gudoominayey raysal wasaraaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali Sharmaarke waxaa Laga Wada hadlay Halka uu marayo Dib ueegista Lagu sameenayo Dastuurka oo ay si wada jira uga wada shaqeynayaan wasaaradda Dastuurka iyo Gudiiga dib u eegista dastuurka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka Dastuurka ee Xukuumada Federaalka Soomaaliyeed Mudane Xuseen Maxamuud Sh. Xuseen, ayaa sharaxaad dheer ka siiyay golaha geedi socodka dib u eegista Dastuurka iyo guulaha ay rabto inay gaarto dawladda Federaalka sanadan 2016, waxa uuna soo bandhigay qaar kamid ah qodobadii isbadalka lagu sameeyey.

Raysal wasaaraaha ayaa waxa uu bogaadiyey Shaqada ay Hayaan Wasaaradda Dastuurka iyo guddiga Dib u eegista dastuurka waxa una Sheegey in marka la dhamaystiro dib-u-eegista Dastuurka KMG ah loo gudbin doono Baarlamaanka isla markaana loo bandhigi doono shacabka Soomaaliyeed.

  1. WASAARADDA DHALINYARADA IYO CIYAARAHA

Febuary 14, 2016. Wasaaradda Dhalinyara iyo Ciyaaraha ayaa sheegtey in dib u dhis lagu samayn doono garoonka Kubadda Cagta ee Benaadir Stadium isla markaana ugu baaqdey Bahda isboortiga iyo Dowladda federaalka in ay ka qaybqaataan dib u dhiska garoonka benaadir Stadium ee Magaalada Mogadishu.

Wasiir ku-xigeenka Isboortiga iyo dhallinyarada ee Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Cismaan Aadan Dhuubow iyo Agaasimaha waaxda isboortiga ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Wasaaradda iyo bahda isboortiga ookormeer howleed ku tegay garoonka kubadda cagta benadir stadium ee degmada Cabdicasiis, waxa ay u kuurgaleen xaaladda guud ee garoonka iyo bur burka garoonka.

Sidoo kale wasiirka ayaa ku baaqey in maamuus qaran loo sameeyo Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 11 jirada ee ka qeybgalay Koobka jeem cup ee dalka qadar marka ay dalka dib ugu soo laabanayaan.

  1. WASAARADDA QORSHAYNTA

Febuary 5, 2016. Wasaaradda Qorshaynta Xukuumadda Soomaaliya ayaa lugtii labaad ee wada tashiga Horumarinta Qorshaha Qaranka ku qabatey Magaalada Kismaayo ee caasimadda dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Qorshaynta iyo xiriika caalamiga mudane Abdullahi Shiekh iyo wasiirada maamul goboleedyada Puntland, galmudug, koofurgalbeed iyo jubbalnad ayaa goobjoog ka ahaa kulanka wada tashiga ee qorshaha Horumarinta Qaranka ee ka dhacay magaalada kismaayo.

Ujeedada ugu weyn ee wajiga koowaad ee jubaland ahaana lugtii labaad ee Qorshaha qaran ayaa ahayd in dadka jubbaland ay Mudnaanta siiyaan Sida ay u kala Mudanyihiin iyadoona diiradda La saarayo Dejinta staraatiijiyad Horumarineed iyo Ka faaidysiga iyo Horumarinta Kheyradka iyo in Si siman looga faaidaysto Dhaqalaha.

Wasiirka qorshaynta jubbaland ayaa ku bogaadiyey dowladda federaalka sida ay uga go;antahay la tashiga dadka Soomaaliyeed iskla markaana ugu heelantahay in ay wada hadaladu noqdaan kuwo lagu guulaysto.

  1. WASAARADDA WAXBARASHADA

Febuary 21, 2016. Munaasabad loogu dabaaldegayey Maalinta caalamiga ah ee afafka hooyo oo ay soo qabanqaabisey wasaaradda waxbarashada ayaa lagu qabtey magaalada Mogadishu.

Xafladda waxaa ka soo qayb galay kusimaha raysal wasaaraha ahna Wasiirka Caddaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Cabdullahi Axmed Jamac “Ilka Jiir”, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho iyo bulshada qeybeheeda kala duwan.

Wasiirka wasaaradda cadaaladda ayaa yiri “Afka Soomaaligu wuxuu xambaarsan yahay taariikh, dhaqan iyo hidde ay ummadu ku faani karto, ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto dalalka dunida ee horey u marey, midkoodna heer kuma gaarin luqad shisheeye, waa inaan ku faanaa afkeena, xiriirkeenuna uu noqdaa Af Soomaali”.

Maanta oo ah Bisha February 21, 2016, ayaa guud ahaan dalka Soomaaliya laga xusay maalinta Afka hooyo, waxana munaasabadda maanta hal-ku dhig u ahayd (U HIILI AFKA HOOYO), iyadoo luuqadda Afka Soomaaliga waqtigii la qorey ay ahayd 1972.

  1. WASAARADDA GANACISGA IYO WARSHADAHA

Febuary 22, 2016. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya aya Heshiis Dhanka Ganacsiga Ah la sixiixatey Dowladda Turkeyga.

Heshiiskan waxa uu ka dhacay Magaalada Ustanbuul ee dalka turkiga halkaa oo lagu qabtey Shirka Iskaashiga Heerka Sare ee HIGH LEVEL PARTNERSHIP FORUM.

Dowladda Turkeyga ayaa Mashwucyo Badan Ka fulisey Soomaaliya kadib markii Madaxweynaha Turkega uu booqashadii ugu horeysey ku yimid Soomaaliya sanaddii 2011-ka.

Haddaba shaxda Hoose waxa ay muujinaysa sida ay ukala wax qabad badanyihiin Wasaaradaha Xukuumadda Soomaaliya.

Waxqabadka

W/D:- Cabdiqani Cali Aadan

Goobjoog news