U bood dhigaalka

Waxyaabaha Keena Cudurka Dhabar Xanuunka

Sheeko:Caafimaadka

Cudurka dhabar xanuuka ayaa ah mid ay ka sheegtaan dad fara badan haba u sii badnaadeena dadka ka shaqeeya xafiisyada cudurkaan ayaa waxaa keena  shan arrimood oo muhiim tahay iney iska ilaaliyaan dadka waxaanka ka mid ah.

Fadhiga dheer. Fadhiga dheer waxaa uu keenaaa in uu qofka muddo ka dib inay murqaha ay fuulaan culeys faro badan taasoo keenta murqo xanuun iyo iney togmaan murqaha jirka waxaana looga hortagi karaa inuu qofka uu joogteeyo jirdhiska sida inuu socdo.

Dhaqdhaqaaq yari. Dhaqdhaqaaq yarida waxay keentaa ama uusan qofka inuusan dhaqdhaqaaq badan uusan sameyn waxay sababi kartaa iney jilcaan qofka murqihiisa waxaana looga hortahi karaa inuu qofka sameeyo sida dabaasha iyo socodka.

Miisaanka tirada badan . miisaanka tirade badan ama cayilka xad dhaafka  waxuu keenaa iney qofka murqihiisa ay  xirmaan sid guud ahaan tassoo  sidoo kale waxay keentaa inuu qofka uu dareemo xanuuno , sidaas daraadeed waxaa laga maarmaan ah in uu qofka dhimo miisaankiisa.

Walwalka nafsadda. ama walbahaarka. Walwalka iyo walbahaarka badan waxay keenaan xanuun badan oo jirka ah taasoo sababto iney qofka murqihiisa iyo jirkiisaba ay togmaan waxaana looga hortagi karaa inuu qofka inuu nasto sida inuu qubeysto oo meel leery leh uu seexdo.

Qaadista waxyaabaha culus. Qaadista wax yaabaha culus waxay ka turjumaan ama ay ka dhiganyihiin iney dhibaato ku abuuraan murha jirka oo daciifka ah ku waas aan ubaran iney wax culus qaadaan sidoo kale qaadista waxyaabaha culus waxy keenaan inuu qofka uu dareemo dhabar xanuun badan.

Sidaas daraateed waxaa dadka lagula taliyaa ineysan dhabarka aysan ku qaadan boorsooyinka waaweyn oo ay ku qaataan gacmaha  si loo ilaaliyo caafimaadka qofka , iyo inuu dheelistir ku ameeyo waxyaabaha uu qaadayo .