U bood dhigaalka

Qodobo Soomaaliya Iyo Imaaraadka Ka Wada Hadleen Oo Dowladda Federaalka Aaney Shaacin

Sheeko:Dalka

Dhaxal sugaha dalka Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Bin Zaa’id Aala Nahyaan ayaa 10-kii bishan hoyga lagu magacaabo al-Baxr kula kulmay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hor-kacayo oo booqasho labo maalmood ah ku tagay Imaaraadka.

Dowladda Soomaaliya War Saxaafadeed ay soo saartay waxaa ay u qortay sidan“Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya iyo Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa isku afgartay iskaashi dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin amniga, la dagaallanka arga-gixisada, burcad badeedda, kobcinta dhaqaalaha, arrimo la xiriira ganacsiga, socdaalka iyo in Imaaraadku uu gacan ka geysto in Soomaaliya laga saamaxo deymaha lagu leeyahay”.

War Saxaafadeedka dowladda federaalka ah laguma sheegin is afgaradka ka hor, Maxaa looga hadlay kulankii dhex-maray labada dhinac ee Soomaaliya iyo Imaaraadka?

Hadaba, Goobjoog News, waxaa ay akhristayaasheeda u soo gudbineysaa qodobo laga wada hadlay, isla markaana ay qortay saxaafadda Imaaraadka Carabta oo aan lagu sheegin qoraalka dowladda Soomaaliya.

Mashaariicda Imaaraadka Ee Soomaaliya:

Sida ay qortay wakaaladda wararka ee Imaaraadka ee “WAM” labada dhinac waxaa ay si faah-faahsan uga wada hadleen mashaariicda hor-u-marineed ee Imaaraadka Carabta uu ka fuliyo dalka Soomaaliya, dib u dhiska iyo taageerada hey’adaha dowliga ah iyo kaalmada banii’aadamnimo.

Wakaaladda ma faah-faahin waxa ay yihiin mashaariic hor-u-marineed ee Imaaraadka ka fuliyo Soomaaliya iyo dib-u-dhiska ay ka hadlayaan, Imaaraadka maalgeshi aan dekadaha Berbera, Boosaaso iyo saldhigga militari ee Berbera aheyn kama wado Soomaaliya.

27 Milyan Oo Kaalmo Ah:

Dhinaca kale sida ay qortay Jariidadda Al-carab ee ka soo baxda London, booqashada Farmaajo waxaa ay ku aaday iyada oo hey’adda Laanqeyrta Cas ee Imaaraadka ay u diyaarisay Soomaaliya 27 Milyan oo Doolar oo lagu taageerayo howlaha banii’aadnimo, waxaa kale oo Imaaraadka ka socota Olole kaalmo oo la magac baxay “Soomaaliyeed Dartaa” oo ilaa hadda la uruuriyay 100 Milyan oo Dirham.

Iran Iyo Gobolka:

Mar-marsiyada Imaaraadka  uu saldhigyo uga dhiganayo xeebaha Soomaaliya, waxaa warbixinta lagu sheegay in Iran ay hub sharci darro ah ku tahriibiso gacanta Carbeed, Imaaraadka iyo Khaliidkana ay muhiim u arkaan amniga gobolka.

In kasta oo labada dhinac aaney wax isku mid ah ka qorin kulankii dhacay, hadana waxaa muuqata in wada hadalkii labada dal iyo go’aannadii ka soo baxay aan la shaacin.

Dowladda Soomaaliya oo horay uga dacwootay Imaaraadka, isla markaana dalbatay in uu joojiyo mashaariicda sharci darrada ah ee uu ka wado xeebaha Soomaaliya ayaan weli ka hadlin wixii ay kala soo kulantay Shiikhyada Abu-Dhabi.

Waxaa Jira Su’aalo badan oo aan looga jawaabin war saxaafadeedkii dowladda ay Talaadadii ka soo saartay wada hadalladii ay la gashay Imaaraadka, su’aalahaas waxaa ka mid ah:

Su’aalo Aan Looga Jawaabin War Saxaafadeedka Dowladda:

  1. Dowladda Soomaaliya makala hadashay Imaaraadka heshiiska saldhigga Militari ee Imaaraadka uu la galay Somaliland? Natiijadase waa maxay?
  2. Soomaaliya iyo Imaaraadka, maka wada hadleen heshiisyada Imaaraadka uu kula wareegayo dekadaha Berbera iyo Boosaaso? waa maxayse go’aanka?
  3. Madaxweyne Farmaajo ma weydiiyay Imaaraadka waxa ay ka og yihiin dadkii Soomaalida ahaa ee lagu tuhmay in xulafada Sacuudiga iyo Imaaraadka ku dileen xeebaha Yemen?
  4. Waa Maxay Mashaariicda uu Imaaraadka Sheegayo in uu ka fuliyo Soomaaliya?
  5. Haddii lagu heshiiyay taageero dhaqaale, Imisa ayuu Imaaraadka ballan-qaaday?
  6. Dhanka Taageero Militari, Muxuu qaban-doonaa Imaaraadka?
  7. Ma jiraa heshiisyo la gaaray mise?

Goobjoog News waxaa ay xiriir la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya  si jawaabo loogu helo su’aalahaasi, laakin ma suurogelin.

Goobjoog News