U bood dhigaalka

Waxyaabo Laga Cabsi Qabo Doorashada 2016-ka October 3, 2016

Sheeko:Dalka

Dhicista doorashada sanadkan kalsooni badan laguma qabi karo, marar hore ayuu jadwalka doorashada fashilmey, in mar kale wax qaldamaan waxaa ay noqotay caado, laakin markan arrinta sidii hore waa ka duwan tahay, waayo golaha ammaanka iyo beesha caalamka waxaa ay sheegeen hadallo ku aadan xilliga kala guurka oo aan fasiraad badan loo heyn waqtiga ay ku beegan tahay.

Caqabadaha la filan karo doorashada waa kuwoo badan, laakin waxaa ka sheegi karnaa: 

In Beesha Caalamka Talada La Wareegto:

Cabsida ugu badan ee dalka  ka jirta, waa go’aankii golaha ammaanka iyo reer Yurub ee ku aadaanaa dib u dhaca jadwalka doorashada, iyagoo sheegay in loo baahan yahay hey’ado sii shaqeeya xilliga kala guurka.

Arrintan waxaa ay keentay su’aalo badan, waxaa la isweydiinayaa  sida beesha caalamka yeeli doonto marka la gaaro November 6, oo ah xilliga ay u qabteen madaxweyne Xasan in uu xafiiska ku banneeyo, waxaa kaloo cabsi ka jirtaa sida ay waxyeeli doonaan haddii doorashada ay mar 3aad dib u dhacdo!

Waqti Kordhin Kale:

In guddiga doorashada dadban ay mar kale doorashada dib u dhigaan ma aha wax la fogeysan karo waayo horay ayey 2 jadwal u soo saareen, waxaa cabsida tahay in mar kale shacabka ku waaberiistaan waqti kordhin kale, marmarsiyada waxaa ka mid ahaan doona arrimaha amniga, farsamada, lacagta……!

Hufnaan La’aan:

Cabsida ugu weyn ee mucaaradka iyo dadka doorashada ka qeybgalaya ay qabaan waa hufnaanta doorashada dalka ka dhaceysa 2016-ka,.

Sida loogu kalsoonaan karo guddiyada kala duwan ee doorashada oo mucaaradka ku tuhmayaan in laga soo xulay xafiisyada xukuumadda!!

Cabashada Beelaha:

Waxaa jira cabasho ay qabaan beelaha qaar, Hiiraan iyo Shabeelle ma faraxsana, sidoo kale Somaliland iyo beelo kale, doorashada waxaa la doonayaa in la qabto iyadoo beelahaas ay guuxayaan, arrintan waxaa ay yeelan kartaa cawaaqib xumo iyo kalsooni darro gasho beelaha qaar. 

Shuruudaha Murashaxiinta:

Doorashadan waxaa laga cabsi qabaa musuqii ugu badnaa, Murashaxiinta waxaa ay raalligelin doonaan dad badan oo ergo doorasho ah, lacag badan ayaa hadda baxeysa, Odoygii xitaa lacag ayuu rabaa, sida aad u ku noqoto Xildhibaan waa sha’ni weyn, laakin waxaa ka sii dhib badan inta dooneysa Madaxweynnimo!!

Howlo Farsamo:

Logistical la’aanta goobaha ay doorashada ka dhaceyso waa dhibaato laga yaabo in ay soo waajahdo doorashada 2016-ka, arrintan waxaa ay keeni kartaa in meelaha qaar doorashada ay dib u dhacdo.

Amniga:

Caqabadaha ugu weyn doorashadan waa xagga amniga, waxaa la sheegaa in dowlad goboleedyada ay ballan-qaadeen sugidda ammaanka doorashada ka dhaceysa goobahaas, maku filan yihiin, waa su’aal jawaab u baahan?

Waxaa dhici karta in doorashada goobaha qaar ay u dhici waayaan arrimo la xiriira amni darro, ama ay maalmo dib u dhacaan, waxaa su’aal weyn ka taagan tahay sida doorashada ugu dhici karto hal goobo kala duwan….

Tartanka Maamul Goboleed-ka:

Waxaa jira xifaaltan dadban oo ka dhici doona doorashada dadban, maamul goboleed kasta waxaa uu doonayaa in uu magac ku helo doorashada iyo usluubka loo qabanayo, taas oo oo keeni karta in dib u dhacaan meelaha qaar inta ay fiirinayaan sida ay wax u qabanayaan gobollada kale, waxaa ay sidoo kale taasi horseedi kartaa in maamul kasta uu iskiisa u qabsado doorashada sida uu rabo iyo waqtiga uu rabo!!

Lacagta Doorashada oo Go’da:

Doorashada waxa ugu muhiimsan waa  lacag, waxaa cabsi iman kartaa marka ay go’do lacagta loogu talogalay doorashada, gobo lama xitaa gobollada qaar, arrinkaas oo keeni karta in dib u dhac ku timaado doorashada gobollada qaar.

W/Q: Abi Aziz Gurbiye,