U bood dhigaalka

Webiga Jubba oo Fatahaad Ka Geystay Degmada Baardheere Ee Jubbaland

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya degmada Baardheere ayaa sheegaya in wabiga Jubba ee mara degmadaasi uu xalay iyo saaka ku fatahay halkaasi, isla markaana uu geystay khasaarooyin kala duwan oo soo gaaray, dadka, Beeraha iyo Xoolaha dhaqata ah ee degan webiga jiimkiisa.

Daadaku waxa ay la tageen dhammaan wixii dalag ahaa ee u baxaayey beeraleyda, waxaana lagu qiyaasay Beeraha ay waxyeeleeyeen daadadka ilaa 2270 beerood sidaas waxaa Wakaaladda Wararka SONNA  u sheegay Maxamed C/raxiin Matow oo ah gudoomiyaha iskaashatada beeraleyda jubba ee Baardheere ee gobolka Gedo.

Waxaana guryahooda ka barakacay dad lagu qiyaasey ilaa 397 qoys oo ku nolaa hareeraha webiga waxaana fatahaada webiga loo sababeynayaa iyadoo dalka uu ka curtay xili roobaadka Go.a kaas oo dalka intiisa badan ka da’aya xiligaan iyo webiga oo soo saaray biyo badan.

Goobjoog News