U bood dhigaalka

Webiga Jubba oo Fatahaad Ka Samaayey Magaalada Baardheere

Sheeko:Dalka

Wabiga Jubba ayaa ku fatahay dagmada Baardheere ee gobolka Gedo kadib markii ay roobabka guga ee ka da’aya guud ahaan dalka buux dhaafiyeen wabiga sidaana uu karkaarrada ku jabsaday.

Shacabka ku nool dagmada ayay si wayn u saamayeen fatahaadahan iyada oo ay biyuhu galeen guryaha ku yaala qaybo badan oo magaalada kamid ah.

Waxay sidoo kale fatahaadahan baabi’iyeen dalagii beeraha ee la filayay in uu dhawaan ka soo go’o beerihii ay tabcadeen shacabka dagmada Baardheere. Qaar kamid ah beeraleyda ayaa sidoo kale warbaahinta u sheegay in biyaha fatahaadda ay la tageen matoorradii ay beeraha ku waraabsanayeen taas oo sii adkayn doonta ka soo kabsashada saamaynta ay fatahaadahan ka tagaan.

Waxaa sidoo kale xidhan isu socodka gaadiidka magaalada iyada oo ay fatahaaduhu jareen wadooyinka hal-bawlaha ah ee isku xudha xaafadaha magaaladan.

Qaar badan oo kamid ah shacabka dagmadan ayaa guryohooda ka barakacay iyaga oo raadsaday goobo taag ah oo aysan biyuhu gaadhin hasayeeshee aysan ku haysanin wax gabaad ah oo ay roobabka wali da’aya ka galaan.

Shacabka dagmada Baardheere ayaa dalbanayo in loo fidiyo gurmad dagdag ah loona fidiyo taakulo si loo xakameeyo saamaynta ay fatahaadahan ku yeelan karaan noloshooda.

Goobjoog News