U bood dhigaalka

Webiga Shabeelle Oo Biyo Keenay

Sheeko:Dalka

Webiga Shabelle oo mara magaalada Jowhar ee caasimadda maamulka Hirshabelle ayaa keenay biyo, kadib muddo badan uu qalalnaa.

Webiga ayaa maanta biyo keenay waxaana aad u soo dhoweeyay dadka ku dhaqan gobolka sh/ dhexe oo intooda badan ay yihiin beeraley iyo xoolo dhaqato. Dadka ku dhaqan magaalada Jowhar ayaa waxa ay safaf dhaadheer ay u galeen biyaha wabiga shabelle.

Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan Jowhar ayaa Goobjoog News u sheegay sida ay u arkaan in wabiga uu biyo keenay“Wabiga ilaahey ayaa keenay isag oo waliba u socda sidii lagu yaqaanay waan soo dhoweyneynaa in wabiga uu biyo keenay”.

Muwaadin kale waxaa uu yiri “ Aad ayaan ugu faraxsanahay in wabiga uu yimaado, maadaama ay jirtay baahi badan oo dhanka biyaha ah, waad arkeysaan maanta in wabiga uu wado biyo xad dhaaf ah.

Bulshada ku dhaqan gobolka sh/ dhexe ayaa hadda ka dib waxa ay isku diyaarin doonaan tacabka guga si ay uga faa’ideystaan biyaha wabiga shabelle.

Goobjoog News