U bood dhigaalka

Webiga Shabeelle oo Ku Fatahay Tuulooyin Ka Tirsan Degmada Jalalaqsi

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya degmada Jalalaqsi, ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in tuulooyin badan oo hoos yimaada uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Maamulka deegaanka iyo dadka ayaa bilaabay in ay iska moosaan ama ay xiraan meelaha biyaha ka soo butaacayaan.

Wariyaasha ku sugan gobolka , ayaa soo sheegaya in arrinta ugu daran ee hadda ka taagan deegaanka ah tahay in ay dunto buundo muhiim ah oo deegaanka isku xirta.

Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi, Maxamed Nuur Caga-joof ayaa Hirshabeele iyo dowladda dhexe ka codsaday in gurmad lala soo gaaro dadka uu saameeyay fatahaadda webiga Shabeelle.

Googjoog News