U bood dhigaalka

Weerar Dad Ku Dhinteen Oo Mareykanka Uu Ka Geystay Degmada Saakow, Jubbada Dhexe

Sheeko:Dalka

Goobjooge ku sugan magaalada Sakow ee Jubada dhexe oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa Goobjoog News u sheegay in weerar 3 maalin ka hor ay ku soo qaadeen Sakow ciidamo Soomaali oo garab ka helay ajaanib oo waddey labo diyaar.

Weerarka oo socday ilaa 20 daqiiqo ayaa waxaa ka dhashay khasaare aan la garaneyn inta ay la eg tahay, intaa ayuu ku daran ninka Goobjoog la hadlay.

Dhinaca kale, Sida ay qortay Xinhua oo soo xigatay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ka tirsan waxaa ay sheegeysaa in  ciidamada Mareykanka ay dileen ilaa 30 dagaalyahanno Al-shabaab ah oo laga yaabo in uu hogaamiyahooda ku jiro.

Ma jirto ilo madaxbanaan oo xaqiijiyay warkan ay sheegtay Xinhua.

Goobjoog News