U bood dhigaalka

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Hotelka SYL Ee Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax aad u xooggan ayaa goor dhow waxa uu ka dhacay Hoteelka SYL ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dhawaqa qaraxa ayaa laga maqlay inta badan magaalada Muqdisho, waxaana burbur uu soo gaaray nawaaxiga halka qaraxan uu ka dhacay.

Lama oga khasaaraha guud ee ka dhashay qarxan, waxaana qaraxa kadib la maqlay rasaas xooggan.

Gaadiidka gurmadka ah ayaa daabulaya dadka ku dhaawacmay qaraxaasi.

Hoteelka SYL waxaa ka socday kulan dood furan ah kaasi oo looga hadlayey amniga, waxaana ka qeybgalayey kulankaasi saraakiil iyo mas’uuliyiin kale.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News