U bood dhigaalka

Weerar Ismiidaamin Ah Oo Lagu Qaaday Maqaayad Ku Taalla B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada B/weyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in qof soo xirtay walxaha qarxa uu weerar ismiidaamin ah ka fuliyey maqaayad ku taalla magaaladaasi.

Maqaayadda ayaa ku dhow xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana la sheegayaa in halkaasi khasaare kala duwan uu ka dhashay.

Wariyeyaasheenna B/weyne waxay soo sheegayaan in ugu yaraan halkaasi ay ku dhaawacmeen 14 qof oo shacab ah, kuwaasi oo maqaayadda ku shaahayey.

Khasaaraha guud weli lama shaacin inta uu la egyahay, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka oo xarumo caafimaad u qaadaya dadka dhaawacmay.

Wararka ayaa sheegaya in 3 weriye halkaasi ku dhaawacmeen: C/Shakuur Maxamed oo u shaqeynayay Idaacadda Starfm iyo Saabtv, C/Qaadir Cumar Ibraahim RTN iyo Simba iyo Cabdullahi Cismaan Macallin Jubaland TV.

Goobjoog News