U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Dalka Jarmalka Oo Lagu Dilay Sagaal Qof

Sheeko:Dalka

Shaqi hubeysan lana sheegay inuu u dhashay dalka Iran ayaa weerar ka geystay meel laga dukaameysto oo ku taalla magaalada Munich ee dalka Jarmalka.

Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay 9 ruux waxaana dhaawacmay 16 qof kale oo Saddex ka mid ah saraakiisha caafimaadka xaqiijiyeen in xaaladooda aad u liidato.

Shaqsiga weerarkaan geystay waxay Booliiska ku sheegeen inuu ahaa wiil jira 18 sano, islamarkaana isna halkaasi uu ku dhintay.

Wararka qaar waxay sheegayaan inuu isaga is dilay weerarkaasi kadib, hase ahaatee Booliiska ayaa sheegaya in laga yaabo inay askarta toogteen.

Saraakiisha ammaanka qaarkood waxay sheegayaan in wiilkaan markii hore aan looga shakisaneen in falal sidaan oo kale uu geysanayo.

Waxaa jira dad kale oo looga shakisan yahay in weerarkaan kaalin ka qaateen balse waxaa socota baaritaanno.

Goobjoog News