U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa xalay saqdii dhexe waxa ay jidka u galeen gaari ay la socdeen dad shacab ah, kaasi oo kasoo baxay deegaanka Gelinsoor, kuna socday magaalada Gaalkacyo.

Sidey inoo sheegeen dad ku dhow halka weerarkan uu ka dhacay, raggan ayaa rasaas ku furay gaarigan, waxaana ku dhintay Hal qof Labo kalena dhaawac ayaa soo gaaray iyadoo goobta ay ka baxsadeen raggii weerarkaas ka dambeeyey.

Taliska Booliiska qeybta gobolka Mudug ayaa sheegay iney ku raadjoogaan Maleeshiyaadkii falkaasi ka dambeeyey, islamarkaana lasoo qaban doono.

Amniga gobolka Mudug ayaa maalmaha dambe noqday mid faraha kasii baxay, waxaana gobolka dhankiisa bari ka jira colaado u dhaxeeya beello halkaasi wada deggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News