U bood dhigaalka

Weerar Ka Dhacay Iskuul Ku Yaallo Gobolka Texas

Sheeko:Dalka

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay,halka ay dhaawacmeen 10 kale ka dib markii ardey uu ku furay xabado dugsi sare oo ku yaallo gobolka Texas sida uu sheegay gobannada tooraha gobolkaasi.

Madaxda ayaa waxay xireen eedeysanaha oo lagu magacaabo Diimatros, waxaa uuna ardey ka yahay Iskuulka Santaa kaasi oo uu ka dhacay shilka,ninka weerarka geystay ayaa da’diisu waxaa lagu sheegay 17 sano jir.

Warbixinno ayaa sheegaya in eedeysanaha uu adeegsaday qori iyo biskoolad oo uu si sharci ah uu ku heystay aabihiis.

Booliska ayaa sheegay in inta badan dadka dhintay ay yihiin ardey.

Goobjoog News