U bood dhigaalka

Weerar khasaare sababay oo xalay lagu qaaday gobolka Lamu ee Kenya

Sheeko:War
Tahmeed-bus
Baska Tahmeed , oo kamid ah basaska ay kooxda hubeysan ay weerareen.

Wararka naga soo gaaraya Jasiirada Laamu ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay xalay weerar ka geysteen gobolkaas, kadib markii ay weerareen dad dalxiisayaal u badnaa.

Inta la xaqiijiyay shan qofood oo uu ku jiro askari ka tirsanaa ciidamada dowladda Kenya ayaa ku dhintay weerarkaas, halka ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 10 qof.

Miiri Njenga oo ah Taliyaha ciidamada booliska Kenya ee Jasiirada Laamu ayaa sheegay in ay ciidamadooda ay ka hor tageen weerar ay kooxdan damacsanaayeen inay ka geystaan dalkaasi.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in kooxaha weerarka geystay ee ay ka hortageen ay istaajiyeen gaari rakaab saarnaayeen, kadibna ay isku dayeen inay afduub kula dhaqaaqaan, hase yeeshee ma aysan u suurta-galin ayuu yiri.

Dad kor u dhaafaya 60 qofood ayaa ku dhintay weeraro ay masuuliyadooda sheegteen xarakada Al-shabaab, kuwaasoo badankooda todobaadyadii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee isla dalka Kenya, kuna dhow Laamu.

Jasiiradda Lamu ayaa waxaa ka dhacay tan bartamihii June ee sanadkan weeraro is xigxigay oo sababay dhimashada dad gaaraya 87 qof sida laga soo xigtay hay’adda bisha cas ee Kenya.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarro noocan oo kale ah hore uga geystay Kenya, iyagoo ku andacoonaya inay kaga jawaabayaan joogitaanka mileteriga Kenya ee Soomaaliya, kuwaasoo qeyb ka ah ciidamada midowga Afrika ee kaabaya dowladda federaalka Soomaaliya.