U bood dhigaalka

Weerar Lagu Qaaday AMISOM Muqdishu Iyo Khasaare badan oo Laga Cabsi Qabo

Sheeko:Dalka

Warar aanu ka helnay ilo kala duwan ayaa xaqiijinaya weerar lagu qaaday Xarun ay fariisimo ku leeyihiin Ciidamada AMISOM ee magaalada Muqdishu.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Weerarka uu ka dhacay agagaarka garoonka Aden Cade Airport ee magaalada Muqdishu.

Lama oga cidda geystay weerarka iyo khasaraaha halkaas ka dhashay balse dadka deegaanka ayaa sheegaya in ay maqleen rasaas iyo hub culus.

Goobjoog News, waxaa ay la xiriirtay Mas’uuliyiinta dowlada iyo AMISOM balse wali wax faahfaahin ah kama bixin weerarka dhinacyadii aan la hadalnay.

Wixii warar ah oo arintas kasoo kordha la soco, Goobjoog News.